Degaanka Sunijiif oo qiyaastii 60Km u kajira dhanka Bari caasimaad Putland ee Garowe ayaa waxaa wasaarad Haweenka iyo Horumarinta Ariamah Qoyska Puntland gaarsiiey qalab xafiseed isugu irey misaas kuraas iyo Armaajooyin  iyadoona qalabkaasi looogu talogalay xafiiska ururka horumarinta haweenka Sunijiiif.

Masuuliyiin kamid ah wasarada Haeeenk Puntland iyo Saxaafda ayaa socdaal ku tagey halkaasi waxana ay soo indha indheeyeen xaalada degaankaasi iyo sida ay u socoto shaqada ururka oo barnaamijyo sare loogu qaadayo aqoonta Haweenka halkaasi kawada.

Saraakliishan kasocotay wasaarada haweenka Puntland aya loo sameyey xaflad soodhawayn ah waxana halkaasi ka hadlay dadkii kala duwaan ee kasoo qaybgalay iyadoon isuduwaha wasaarad Haweek ee Gobolka Nugaal Fardowso Maxamed ay ug horeyntii ka bixisey sharaxaad qalabka ay u wadeen maanat sunijiif Fardowso ayaa sheegtay in qlabkaan loogu tala galay ururka haweenka ee deegaanka sunujiif uuna qayb kayahay xiriiirka ka dhaxeeya wasaarada hawenka iyo ururka haweenka ee sunujiif ayna sii wadai doonaan taageerada dhankooda ah dhowr jeer oo horana ay yimaadeen tuulada sunujiif.

xaliimo cali warsame oo ka mid ah howl wadeenada wasaarada haweenak iyo arrimaha qoyska ee puntland ayaa iayduna dhankeeda sheegtay in sunijiif si weyn uga qaybqqaatey barnaamij dhowaan wasaarada haweenka ee puntland ay qabatay oo lagu soo noolaynayey hidaha iyo dhaqanka suuban ee soomaalida taasina ay qayb ka tahay in sunujiif ay siw ayn u xasuustaan tanina ay tahay wax ay iyagu khaas ahaan u soo garteen inay kaga qayb qaataan horumarinta ururkaasi.

Agaasimaha xiririka gobolada ee wasaarad haweenk Puntland  murwo Luul Jaamac ayaa iyaduna ka sheekaysay qaabka ay ku keneen qalabkan loogudeeqay xafiiska Haweenke ee sunijiif iayadoona xustay in wasaarada haweenku ay ka mid atahay wasaaradaha aan lahayn dhaqaalaha balse hadana ay mar walba taageeraan horumarka ururada haweenka sunujiifna ay qayb ka tahay ururadaasi.sidoo kalena waxay ku dartey in ay ka shaqayn doonaan Horumarinta Haweenka islamrkaasina ay agaarsiindoonaan waaxyaha dawladda iyo masuuliyint kale ianay ka qayb qaataan horumarinta deegaanka sunujiif.

Muddooyinkii ugu danbaysay wasaarada Horumarinta Haweenak iyo arrimaha qoyska ee Puntland waxay waday dadaalo xoogan oo lagu horrumarinayo guud ahaanba dumarka iyadoona wasaaradu dhawaanta ay bilowday barnaamij lagu soo Noolaynayo hidihii iyo dhaqankii hore ee Soomaalida taasi oo qaybta ugu ballaaranla qaadanayaan Dumar waynaha ku dhaqan deegaanada Puntland.

Daawo Sawirada



Yusuf Maxamed Maxamud {Yusuf yare}
SBC International Garoowe