Mudanyaasha Barlamaanka Puntland  waxaa maanta uga furmay  hoolkooda shirarka  aqoon iswaydaarsi soconaya Mudo Labo Maalmood ah oo ku saabsan Gudniinka Fircooniga ah iyo sharciga gander balance- ega  oo ay soo qaban qaabisay Wasarada Haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland iyadoona manta wasaarada haweenku   Barlamaanka u gudbisay waxqabadkii Wasarada si Mudanayaashu su’aalo uga waydiiyaan Wasarada Waxyabaha loo bahan yahay in ay qabato, halka wasarada haween kuna ay soo badhigtay wax qabadkeedii Tan iyo Marki la asasay Wasarada 2005 iyo sidoo kale caqabadihii la soogud boonaadayiyo waxyaabaha ay hada wasaaradu higsanayso.

 Wasairka wasarada Haweenka iyo arrimaha qoyska Marwo Caasho Geele Diiriyo oo ka hadashay Barlamaanka Maanta ayaa timaamtay ujeedada labada mawduuc ee Golaha ay ugu Yimadeen Maanta  iyadoona xustay wasiiradu inay wadaan laba mowduuc oo kala ah inay  markii ugu  horaysay wasarada Haweenku Hortimaado  Baarlamaanka Puntland si ay isula eegaan wax qabadka guud ee wasarada Haweenka iyo arrimaha qoyska iyo in uu maanta  ufurayaan Mudanayaasha  Baarlamaanka Puntland tababar ku saabsan gudniinka fircooniga ah kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah iyadoona wasiiradu sheegtay inay arrintaani  hormuud u tahay sidii Loo  ansixin lahaa sharciga Gender balance ga kaasi oo ay sheegay wasaaradu inay dhammaystirtay balse wado wada tashiyo ku aadan sidii dhan walba looga eegi Lahaa Sharci ahaan iyadoona la kaashanaysa bulshada qaybaheeda kala duwan sida Culima’udiinka, Haweenka, Dhallinyarada iyo Wax garadka si uu u noqdo sharci Dhanwalba ka dhammays tiran.

Wasiir Caasho ayaa ku dheeraatay ka sheekaynta waxqabakii wasaarada tan iyo asaaskeedii iyadoona sheegtay inay wasaaradu ugu tala gashay buug cadaynaya Dhammaanba wax qabadkii wasaarada Haweenka si ay ugu fududaato cidkasta oo u baahan inay ogaato taariikhdii iyo waayihii ay soo martay wasaaradu iyo inuu tix raac ugu noqoto cidda badalaysa iyaga maadaamaba bay tiri wasiiradu aanu waligayo joogayn booskaan waxaana ugu tala galnay in aan meelo fog-fog laga doonin Waxqabadkii wasaarada iyadoona sheegtay in uu daabacadaad ku jiro Buugaasi dhawaantana uu soo bixi doono.

Wasiirka wasaarada haweenka ayaa sheegtay inay wasaaradoodu tahay wasaarada aan lahayn xad sida wasaaradaha kale waxayna xustay wasiiradu inay waxbadan ka Qabteen intii ay wasaaradoodu jirtay xaaladaha kala gadisan  ee guud ahaanba haween waynaha ku dhaqan deegaanda Puntland.

 Tan iyo markii uu furmay kalfadhigii 26aad ee baarlamaanka Puntland waxa ay wadeen  xildhibaanadu la xisaabtan dhanka hay’adaha kala gadisan ee dowlada Puntland Iyagoona maalin walba la xisaabtama mid ka mid ah si ay wax uga ogaadaan waxii u qabsoomay iyo waxa ay had ku tala jiraan tanina waxay ka midtahay howl Maalmeedka caadiga ah ee baarlamaanka iyadoona wasaaraduhu ay hortagayaan xildhibaanda si ay wax badan uga ogaadaanhowlahooda shaqo.

DAAWO SAWIRADA

 

Yuusuf Maxamed Maxamud (Yusuf Yare)
SBC International Garoowe