Wasaarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo hurumarinta reer miyiga dowlada Puntland oo soo ban dhigtay Siyaada cusub oo barakacayasha Puntland lagu dhaqilahaa sanadaha soo socda
xarunta wasrada arimaha gudaha iyo dowlaha hose ee Garoowe waxaa manata ka dhacay kulan lagu soo bandhigayo qaybtii ugu dambaysay siyaasada cusub ee loo abuuray barakacayaasha in lagu dhaqo sanadaha soo socda kaasi oo dajinteedu soo bilabaytay saandkii 2011 ayna soo ansixiyeen labada gole ee dowlada Puntland ayaa manta laga bilaabay baahintiisa magalada Garoowe
Waxaa kasoo qayb galay xaflada lagu bahinayo sharcigan masuliyiita wasaradaha, duqa degmada Garoowe, iyo waliba qaar ka mid ah barkacayaasha ku nool magalada,
Agaasimaha guud ee wasrada arimaha gudaha C/lahi Siciid Yusuf ayaa waxa uu sheegay ina loo abuuray sharcigan in lagu gaaro horumar badan iyo in la helo siyaasad ay dadka barakacayasha ay ku nabad galaan, waxaana uu raaciyay intaas in dhaqan galinteda looga fadhiyo gobolada.
Agaasimaha guud ee barakacayasha Puntland ee wasarada arimaha gudaha Beexani Axmed Bare ayaa waxa uu sheegay in barnamijkan uu marxalado badan soomaray mantana loo fadhigo bahintiisa
Duqa degmada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay dhaqan galinayaan shacigan isla markaasna ay kula dhaqami donaan guud ahaanba dadka barkacayasha ah ee ku daqan Garoowe.
Kulanka maanta ka dhacay magalada Garoowe ee Lagu bahinayo sharciga lagu dhaqayo barkacayaasha Puntland ayaa waxa uu daba socdaa kulamo badan oo lagu soo qabtay magaloyinka Bosaso iyo Galckayo oo iyagana sidan oo kale logu bahinayey sharcigan
Samiiro C/rashiid
SBC International Garoowe