Bandhiga ayaa  waxaa uu ka dhacay gudaha Hotel filej ee magaalada Boosaaso,kaasi oo lagu soo bandhigayay arady baratay farsamadagacanta qaybeheeda kala duwan  ku waas oo ka qalan jabiyay macadka farsamada gacmah iyadoo barnaamijkan ay maal galinaysay hayada save the children ,iyadoo ahwsha bandhigaa ay ka qayb qaadanayeen qaar ka mid ah wasaaradh Puntland,

Waxaana ka soo qayb galay Wasiiro, Mamulka Gobalka Bari,Ganacsato,Odayaal dhaqameedyo ,Hayadah ,iyo Dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ,iyo bandhigaa lagu furay aayadah quraanka ,waxaana intaa kadib halkaa ka hadlay,Masuul ku hadlayay   Hayaha Save Childern oo isagu mahad balaaran u jediyay  dhamaan dadkii ka soo qayb galay bandhigaas oo ugu horeeyay madaxda ka socotay dowlada Puntland ,isagoo ka hadlay sababda ay hayada Save childern ay tahay sidii niyada loogu dhisi lahaa Dhalinyarada ka qalan jabisay farsamada gacanta qaybahayda kala duwan ,waxaana uu dardarn  u jeediyay ganacsatada  dowlada iyo hayadah kale isagoo kula dar darmay inay ka qayb qaatan sidii shoqo loogu abuuuri lahaa dhalintaas hadi kale ay niyad jab ku imaan karo ,

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay  nabadoon xarago iisaguna sheegay in mantay ay tahay wax lagu farxo arnta bandhiga dhalinta baratya farsamada gacanta qaybaheeda kala duwan ,isagoo sheegay in ay qayb wayn ka qadan karto nabada in dhalinta ay helaan farsamo ay ku shaqaysan karaan ,

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Gudoomiyah Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan oo isagu sheegay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin waxaana uu sheegay in arantan ay tahay mid mar hore loo bahnaa hadan ay taahy mid wax badan ka qaban doonta nabada iyo horamarka dhalinta  Puntland ,waxaan uu sheegay inay taageer san yihiin mar walbana ay garab tagan yihiin cid walba oo horamir u wada dhalinyarada ,

Ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Puntland  Xasan   Faarax   oo isagu mahad balaaran u jeediyay hayada Save Childern  oo ahayd hayada maal galinaysay barnaamijka lagu soo bandhigayay Dhalinta baratay farsamada Gacanta ,isagoo intaa ka dib ka hadlay  ganacsiga  deeganada Puntland oo uu ka hadlay alaabta lagu sameeyo gudah in qiimaynta  ugu horeeysa  la siiyo loona baahan yahay in   lagu dhiira galiyo shirkada gudah inay soo saaran alaab aad u badan oo qan cisa bulshada ,isagoo sheegay in Dowlada ay garab tagan tahay dhalin yarada  wax baratay gar ahaan kuwa farsamada gacanta qaybaheeda kala gadisan ,

Intaa kadib waxaa halkaa lagu soo ban dhigay alaabo aad dadka u soo jiitay Waxaana ka mid ahaa sawir gacameedyo  ay soo bandhigeen xarunta sawir gacmeedyada ee aamin artis ku waas oo ka tur jumaya dhaqanka soomaalida ,iyadoo halkaa lagu soo bandhigay buug ka hadlayay burcad badeeda ,sidoo kale waxa halkaas bandhiga qalbka bada ku soo bandhigay shirkada raasi caseer fishin kabani oo halkaa soo dhigtay alaabta bada sida shabaago, jilaab ,iyo dhagah libaax badeedka ,

Waxaan halkaa ka maqneen shirkada sharaabka ee ilo tango oo iyaduna dadwaynihii halkaa ku sugnaa u soo bandhigtay sharabkii looga bartay waxaan dhanka mac macaanka soo bandhigtay warshada rootiga ee ridwaan

Bandhigan ayaa wax uu socon doonaan mudo labo maalmood a iyado dhamaan dadka danaynayana ay ka helayaan wax doonayaan,

DAAWO SAWIRADA











Axmed Nuune
SBC International Boosaaso