Raiisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga DKMG ah ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa maanta waxa uu tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Kuwa DKMG ah ee Soomaaliya kuwaasi oo mdooyinkii la soo dhaafay tababar uga soconayay Xerooyin ciidan oo ku yaala duleedka Degmada Wadajir ee Magaaladaasi Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga DKMG ah oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta tagay deegaanka Jasiira halkaas oo aheyd goobta tababarka uu ugu soo dhamaaday ciidamada ka tirsan DKMG ah .

Ciidamada uu Wasiirku u soo xiray tababarka ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysaa 1000 askari, waxaana tababarkooda bixinayay oo qeyb ka ahaa Mudowga Africa,

Xuseen Carab Ciise Wasiirka gaashaandhiga ayaa mar uu halkaasi Hadal ka jeedinayay sheegay in ciidamada Dalka ay yihiin kuwa loo baahanyahay in ay difaacaan isagoona hambalyo u jeediyay ciidamadii dhowaan guulaha wax ku oolka ah ka soo hoyay dagaaladii ay la galeen ciidamada Xarakada mujaahidiinta Alshabaab.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in kormeer uu ku marayo dhamaan xeryaha ciidan ee ku yaala Muqdisho iyo daafaheeda islamarkaana wasaaradiisu ay si joogta ah u hubin doonto xaaladaha ciidamada DKMG ah .

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC international Muqdisho.