(DAAWO SAWIRO)Wasaarada gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland ayaa dignin ka soo saartay Gaadiid Badeed ku xiran Jambiga Degkeda Magaalada Boosaaso kuwaasi oo aan shaqeyn islamarkaana u sheegtay dadkii lahaa in ay sida ugu dhaqsiyaha Badan ugala baxaan.

Wasiirka wasaarada gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland En Siciid Maxamed Raage ayaa kulan saxaafadeed uu ku qabtay dekeda Boosaaso waxaa uu kaga hadlay Arintani .

Waxa uu u jeediyay Baaq dadka Ama Ganacsatada leh gaadiidkan in ay mudo kooban oo 48saac ah gudahooda ugala baxaan Jambiga dekeda Hadiise ay ka dhega adeegaan ay dowladu qaadeyso talaabo lagu jiidayo loogana saarayo Dekeda.

Waxa uu wasiirku intaasi ku daray in ay dekedu ka soconayaan Howlgalo lagu xafaaradeynayo taasi oo mudadii la soo dhaafayba soconeysay qeybahii laga wadayna ay soo dhamaatay iminkadana shaqadani laga qabandoono Qeybta Doonyaha ay ku soo xirtaan ee gudaha .

Sikastaba ha ahaatee waxa uu ku adkeeyay Wasiirku mulkiila yaasha iskaleh gaadiidkan ku xiran DEkeda ee macmalka ah ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxaan si howsha dekeda ay u bilaabato.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Nuune
SBC International Boosaaso