(DAAWO SAWIRO) Iyadoo ay Maanta ku Astaysan Tahay maalinta Gudniinka ka Guurida Gudniinka Fircooniga ah ayaa waxaa maanta shir ka dhacay Hoolka shiraarka wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta iyo Dhaqan celinta Puntland lagu Teegeeray Gudniinka Waaa faqsan shareecada Islaamka .

Shirka ayaa waxaa  wada yeeshay Culimada,Garsoorayaasha Abuukaatayaasha ,Nabadoonada ,Aqoonyahanada Haweenka  Madaxda sare Ee wasaarada Cadaalada oo looga hadlayay Gudniinka Aan waa faqsanayan shareecada Islaamka

Wasiiraka wasaarada Cadaalada,Arimaha Diinta iyo Dhaqan celinta Dowlada Puntland Injineer:cabdi Khaliif xaaji xasan Ajaayo ayaa sheegay in maanta ay tahay maalinta laga guuray gudniinka fircooniga ay kala qayb galayaan dowladaha islaamka isagoona intaasi ku daray in ay wanaagsan tahay in laqaato gudniinka shareecada waa faqsan dhibaatooyin badan ay gudniinka fircooniga ku qabaan gabdhaha .

Ajaayo ayaa shacabka soomaaliyeed ka rajayay in laga gudbo dhaqankaasi gudniinka fircooniga ah waxuuna sheegay in wacyigalin badan laga samayndoona .

Sheikh saciid Axmed faarax ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan ka culamo ahaan gudninnka Suniga ah horina ay Asigoona baaqa u diray hooyooyinka in ay Gabdhahooda gudaan sida shareecada islaamka waa faqasan .

Sidoo kale sheikh jaamac cali Liibaan oo ka mid ahaa culimadii ka qayb gashay shirkaasi lagu taageerayay gudniinka shareecada waa faqasan ayaa kulanka ka sheegay in loo baahan yahaya dad u tababaran Arintaasi la hello iyo goobo laga fuliyo wacyigalin la sameeyo.

 Taageerada wasaarada Cadaalada, Arimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland  ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa xili dhawaan magaalada Garoowe uu ka dhacay shir ay yeesheen haween ka soomaaliyeed kaasi oo ay uga hadlayeen sidii loo joojin lahaa gudninnka soo jireenka ah ee Furcooniga ah .

DAAWO SAWIRO



Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed(Cabdi caziiz Okey)
SBC International Garoowe