Wasiirka cadalada iyo arimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland oo ay waheliyeen qaar ka mid ah culuma awdiinka Garoowe ayaa maanta waxay dhar iyo gogol gaarsiiyeen maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta Puntland C/khaliif xaaji Xasan Ajaayo ayaa tilmaamay in ay muhiimtahay in la daryeelo maxaa biista xabsiyada ku jirta isla markaana ay helaan xuquudooda .

Sheikh Yaasiin C/laahi oo ka mid ahaa culumadii wasiirka ku waheliyey booqashadiisa ayaa bulshada ku booriyey in la caawiyo maxaa biista isla markaana culamadu doorkooda qaadato .

Taliye ku xigeenka xabsiga dhexe ee Garoowe c.risaaq maxamud xirsi ayaa wasiirka uga mahad celiyey agabka uu soo gaarsiiyey maxaa biista waxaana uu sheegay ay wanaagsantahay xaalada maxaa biista ku jira xabsiga dhexe ee Garoowe .

Waa markii labaad oo wasaarada cadaaladu ay maxaa biista ku jirta xabsiga dhexe ee Garoowe ay gaarsiiso agabyo ay aad ugu baahnayeen .

Filo Sawirada….

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe