Wasaarada cadaalada ee dowlada Puntland ayaa maanta waxa ay tababar ku saabsan xakamaynta  Gudniinka fircooniga ah uga furtay hoolka shirarka ee wasaarada Haweenka iyo arrimaha qoyska, qaybaha kala gadisan ee ururada bulshad rayidka ah ku waasi oo isga kala yimid goabalda kala gadisan ee deegaanda Puntland oo ay ka mid yihiin deegaanda fog-fog ee ka baxsan laamiga.

Tababarkaani ayaa waxaa iska kaashanayay wasaaradaha cadaalada,arrimaah diinta iyo dhaqan celint iyo wasaarada horu marinta  Haweenka iyo arrimaha qoyska u jeedada tababarkaani ayaa waxa uu yahay sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah iyadoona ay arrintaani iska kaashanayaan labadaasi wasaaradood oo gacan ka helaya Hay’ada Qaramda Midoobay u qaabilsan xanaanada carruurta ee UNCEF tababarkaani ayaa waxaa lagu casumay dhammaanba dhinacyada ay qusayso sida haweenka ,culima udiinka ,qaryaqaanada iyo ururada dhallinyarada .

Tababarkaani ayaa waxaa furay wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada iyo arriamha diinta ee dowlada Puntland Maxamuud Siciid isagoona sheegay in uu tababarkaani ku saabsanyahay gudniinka fircooniga ah isagoona sheegay in arrintaani ay Ka danbaysay kadib mudooyinkii ugu danbeeysay oo ay cabasho xoogani ka soo yeeraysay Haweenka iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan dumarku gudniinada noocaan oo kale ah ayna iska kaashanayaan wasaaradaha cadaalada iyo wasarada Haweenku iyadoona loobahanyahay gabagabada barnaamijkaani in laga soosaaro sharci mamnuucaya gudniinka fircooniga ah kadibna loo sii gudbiyo golaha wasiirada ilaa laga gaarsiinayo mudanayaasha baarlamaanka Puntland.

Tababarkaani ayaa socondoono muddo lababari ah iyadoona gabagabada tababarkaani lagu wado in lagasoosaaro qodobo  muhiim ah oo ku aadan gudniinka fircooniga ah muddooyinkii ugu  danbaysay  wasaarada cadaaladu waxa ay waday dadaal xoogan oo ku  aadan joojinta gudniinka fircooniga ah iyagoona tababaro kala gadisan ku kala bixiyay deegaano ka tirsan Puntland.

DAAWO SAWIRADA.


Yusuf maxamed maxamuud {yusuf yare}
SBC International Garoowe