Munaasabadii wareejinta Shaybaarka lagu ogaado Tayada daawooyinka ayaa waxaa goob joog ka aah Masuuliyiin ka kala socotay Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland iyo WHO sidoo kalana waxaa madasha joogay madaxda Hospitaalka Bosaso  .

waxaana Qalabka oo ah mid lago ogaanayo Tayada Dawooyinka lagu wareejiyay Agaasimaha Hospitaalka Bosaso Dr Maxamad Siciid [Shaandheeye].

agaasimaha ayaa siwada jir ah ugu mahad celiyay madaxda Wasaarda Caafimaada iyo WHO sheegyna in Qalabkani uu yahay mid muhiim aha.

sidoo kale Waxaa halkaasi Kahadlay Maxamad Axmad Siciid oo ah Maamulaha Hosbitaalka Bosaso sidoo kalana Katirsan Wasaarada Caafimaadka Puntland wuxuuna Maxamad sheegay in Qalabkan uu ayahay mid aad muhiimad ugu leh bulshada wuxuuna sidoo kale sheegay in wasaaradu ay xarun uga dhex sameysay Hospitaalka Bosaso Dadka qabanaya shaqadan oo aha kuwo inbadan oo Tababar ah lasoosiiay .,

Qalabkan xarun ayaanu kasiinaya Hospitaalka Bosaso laakiin Qalbku waxa uu noqon doonaa mid Dhamaan lagu hubiyo Dawooyinka Soogalaya Magaalada Bosaso waxaan Laga hawlaglin doonaa Tiimamka Goobah ay Dawooyinku kasoo Galaan sida Dekada Garoonka Si loo hubiyo Tayada Dawooyinka Sidaasi waxaa yiri Maxamad axamd xuseen oo katirsan Wasaarada Caafimaadka Puntland .

ugu danbeyntii waxaa munaasabada soo gunaanaday Maxamad Axmad Yuusuf oo kasocday Xafiiska WHO ee magalada Garoowe wuxuuna Sheegay in ay horay Qalbkan Shebaarka ah ay u siiyeeyn Hospitaalaka Magaalada Garoowe waxaana sidoo kale dhawaan gaarsiinaynaa Hospitaalka Galkacyo sidaasi waxaa yiri Masuulkii kasocday WHO Xafiiskeeda Garoowe.

Waa markii ugu horaysay oo Hospitaalka Magaalada Bosaso lakeeno Shaybaar Lagu ogaanayo Tayada Daawooyinka Soogala Bosaso .

Daawo Sawiro



Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC Intenational Boosaaso