Wasaarda caafimaadka Puntland oo howlaha malimaha caafimaadka  hooyada iyo dhalaanka  ka fuliyey goobaha wax barshadada ee Boosaaso

Waxaa maalmahaan guud haanba ka socday deegaanada Puntland gar ahaan magaladada Boosaaso ee  xarunta gobolka Bari  talaalka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

Kor meer ay saaka sameeyeen wasaarada caafimaadka ee Puntland iyo hayadaha Unicef iyo WHO ayaa waxa ay kutageen  schooladada iyo jamacadaha kuyaala magaalada Boosaaso halkaas oo ay waciyigaliin kasameeyeen  talaalka maalimaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

Waxaa ka mid ahaa meelaha ay booqashada ku tagtay wasaarda caaimaadka Puntland jaamacada Bariga africka  halkaas oo ay wasaaradu gaysay Koox ka mid ah  dadkii talaalka bixinayeey  waxaa halkaas lagu talaalay  ardayda jamacada Bariga africka  oo u badnaa qabdho kuwaasi oo laga talaalay, talaalka teetanadada.

Ugu horeyn waxaa munaasabad kooban oo lagu qabtay hadal ka jeediyay hurmuudka caafimaadka Jaamcada Bariga Africa dr Abshir cali Abdi oo sheegay in maanta ay ku faraxsanyihiin boqashada ay  wasaarada caaimaadka Puntland kutimi Jamacada Bariga africka  sheegana in ay soo dhaweenayaan talaalka teetenada  malimaha caaifmaadka  hooyada iyo dhalaanka.

Sidoo kale waxaa iyagana dareekooda ka dhiibtay  dhamaan ardaydii halkaas  lagu talaalay soona dhaweeyey talaalka teetanada  sheegana in ay faa ido uuleedahay dhamaan qeybaha bulshada isugu jira gaar ahaan hooyada iyo caruurta ayna  rabaan talaaalka  maalmaha caafimaadka   hooyada iyo dhalaanka.

Kormeerka wasaarada caafimaadka Puntland  ay ka wado  goobaha waxbarashadada ee Boosaaso  waxaa hogaaminaysa Johra Muuse Cilmi oo ah madax caafimaadka aasaasiga ah ee xarunta gobolka Bari waxaana ay sharaxday fa’idada uu uleeyahay talaalka teetanada  hooyo walbana lagarabo in ay istalaasho ubadkoodana ay talaalaan,

Johra o waxa kaloo ay sheegtay  in ay maalmahaan wadeen maalimaha caafimaadka  hooyada iyo dhalaanka ayna tahay maalintii afraad, maantana ay soobooqdeen jaamacada Bariga africka xaruunteeda Boosaaso,  halkaas na ay kutalaaleen gabdho arday ah oo tiradooda gaaraysay 86 waxayna ay Johra o ugu baaqday dadka aaminsan in uu talaalku yahay wax aan jiriin ay istalaalaan ayna iska talaalaan cudurka teetanada oo ah cudur xun.

Ma ahan markii ugu horaysay  ay wasraada caafimaadka Puntland  sameeyso kormeerka  talaaka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka waxaa maalmahaan guud ahaanba laga dareemayaa deeganada Puntland talaalka teetanada  maalmaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

 Casiiso Muuse C/kariin
SBC International Boosaaso