Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Beenisay in Gobolka Bari uu kajiro Cudurka Daacuunka

Shir jaraa id oo  maanta la gu qatay xafiiska isu duwaha wasaarada caafimaadka gobolka Bari ayaa waxa  wasaarada caafimaadka Puntland kaga dhawaaqday in aan wax daacuun ah uu san ka dilaacin goblka iyadoo ay  ka soo qayb galeen wasiir ku xigeenka wasaarad caafimaadka Puntland Saynab Ugaas Yaasiin , isu duwaha wasaarada caafimaadka gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo weliba madaxa caafimaadka iyo cudurada faafa Maxamed Cartan Yuusuf .

Ugu horayn waxaa madasha hadal ka jeediyey isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe oo sheegay in ay san wax ka jirin hadalka sheegayaa in uu daacuun ka dilaacay gobolka Bari 

Waxaa isna dhankiisa hadalka jeediyey madaxa xogta caafimaadka iyo cudurada faafa ee gobolka Bari Maxamed Cartan Yuusuf  oo sheeg in tira kobkiii ay sameeyeen uu daacuunku  uu ahaa mid aan jirin

Ugu danbaytii waxaa si rasmi ah u beenisay in uu san wax daacuuna uu san ka dilaacin gobolka wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka Puntland Saynab Ugaas Yaasiin

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili beryihii ugu danbaysay laysla dhex maraayey in uu daacuun ka dilaacay degmooyin ka tirsan gobolka Bari.

 

Ibraahi Maxamuud Yuusuf
SBC International Boosaaso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII