Wasaarada Caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaqday in cudurka shubanka uu ka dilaacay Magaalada Gaalkacyo siiba dhanka galmudug.
Xeryaha Qaxootiga magaaladaas ayaa laga soo sheegayaa in ay cudurkani u jiifaan dad aad u tiro badan oo u badan caruur iyo dad da’ ah, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka wasaaada Caafimaadka Maamulkaasi.

Waxaa dadka dhibaateeysan gar gaar u fidinaya Maalintii labaad daqaatiir uu hogaaminayo wasiika caafimaadka Galmudug aygoona geeyay agab dawooyina kana bilaabay daweeyn, waxaana ka hoowl galay dhaqaatiir gaareeysa ilaa iyo shan dhaqtar iyo kalkaaliyayaal intaasi kabadan

Wasiika caafimaadka Calmudug Dr Xuseen Shiiq Nuur oo saxxafada kulahadlay xirada qaxootiga Buula hiiraan, oo ka mid ah xerayaha xiligan uu ka jiro Cudurka Shubanka, ayaa sheegay inuu kadhashay cudurkaan suuliyadii halkaa ku yaalay oo gabi ahaan dumay waxuuna intaa kudaray ineey kala xisaab tamidoonaa cidii dhistay

Dr Xuseen ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirta gar gaareeysa dadka la ildarnaa shuban biyoodka, waxaadna ku arkeeysaan sawirada wasiirka oo gacntiisa ku daweeynaya caruur soomaaliyeed isagoona sheegay in wasaardiisa ay siiwadidoonto caawin u fidinta caafimaad ee goobahaasi ay kawadaan dhaqaatiita wasaarada caafimaadka eeb galmudug

Dad aad u farabadan ayaa lagu daweeyay kuwo kalana gacanta ayaa lagu hayaa oo waxaa dabiibaya wasaarada caafimaadka Galmudug oo dawooyin iyo dhaqaatiir gaarsiisay goobaha shuban biyoodku kabiloowday ee xeryaha qoxootiga gaalkacyo

Sikataba ha ahaatee waxaa goobihii wali kusuga dhaqatiirtii caafimaadka oo wali kawada gargaaro bili aadntinimo

DAAWO SAWIRADA







Liibaan C/laahi Faarax Qaran
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com