Xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha,Horumarinta Reermiyiga iyo Dowladaha Hoose ee Dowlada Puntland ayaa galabata afur  usamaysay dadka Barakacayaasha ah ee ku nool gudaha magaalada Garoowe.

Waxaana goobjoog ka ahaa  xafladaani  afurkaahayd ma’suuliyiin kakala socotay goalahawasiirada,xildhibaano,maamulka Goabalka Nuagaal,Ururada  Bulshada rayidka ah,Qaybo kamida ah hay’adaha Caalamiga ahoo ay ugu horrayso hay’ada Qaramda midoobay u qaabilsan dhanka Qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo qaybaha kala gadisan ee Barakacayaasha ku waasi oo siwayn ugadhex muuqanayay Xafladaani..

Sidoo kale goobta xafalada waxaa fadhiyay wasiirkii hore ee wasaarada  Arrimaha Gudaha,Horumarinta Reermiyiga iyo Dowladaha Hoose mud:Cali Abdi Awaare kaasi oo lagu casumay ka sooqaybgalka Xafaldaani afurka ahayd .

Ugu horayntiiba waxaa halkaasi ka ahdalay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Cali Yusuf oo sheegay in loogu tala galay in lagu farax galiyo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan magaalda Garoowe kadib sanda guuradii 13aad ee ka soo wareegtay asaaskii Dowlada Puntland taasi oo si waanagsan ay uga qayb qaateen ka qayb galkeeda dadka barakacayaasha ahi wasiir ku xigeenka ayaa Sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in la caawiyo dadkaasi barakacayaasha ahi.

Isxaaq Cabdi Maxamed waa Guddoomiyaha Barakacayaasha waxaana uu sheegay inay in badanku faraxsanyihiin arrintaani ay wado wasaarada Arrimaha Guduhu waxanauu shegay in dadka Barakacayaasha ahi ay qayb ka yihiin bulsho waynta ku dhaqan deegaanada Puntland dhan walba oo la eegaba isagoona sheegay in wax  walba oo ayuga baahdaan dadkarer Puntland ay diyaar u yihiin Xitaa haddii ay noqoto ayuu yiri in ciidamo ay keenaan ,waxaan kaqayb qaadanaa sugdda ammaanka goobaha ay daganyihiin dadka Barakacayaasha ahi iyagoo leh buu yir qayb kakooban lix qof oo Mas’uul Uga ah ammaanka xaafadaasi aysana jirin cid dhanka dowlada ah oo wax mushahaara ah ku siisa ,isxaaq ayaa sheegayin dadka reer puntland ay  yihiin dad aad  u wanaagsan si wanaagsana loogu Soo Dhaweeyay deegaanda puntland.

Sidoo kale waxaa kahadlay xafladii afurka ahayd sisaasi Cali Cabdi Awaare isla marahaantaana horay wasiir uga soo noqday isla wasaaradaani “waxaa is badalay dhaqankii iyo afkii dadka barakacayaasha ah Taasi ooku tusinaysa in ay  wax badan laqabsadeen kaani barakacayaasha ahi xaalda guud ee wadanka waa kaasi hada isxaaf waxa uuku hadlyaa afkii reer nugaaleedka “ayuu yiri cali cabdi awaare isagoo intaasi ku daray in loo baahanyahay in la joogteeyo xafladaha noocaani oo kale ah ee lagu afurinayo dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan deegaandapuntland wasaarada kula dardaarmay inay arrintaasiisku dayaan.

Ugu danbayntii waxaa xafladda si rasmi ah u soo xiray wasiirka Arrimaha Gudaha, Horumarinta Reermiyiga iyo Dowladaha Hoose C/laahi Jaamac Ilkajiir wasiirka ayaa sheegay in dadkaania aysan ahayn oo Kaliya dadka barakacayaasha ah ee ka soo qaxay koonfurta Soomaaliya balse ay jiraan Barakacaal kale oo ka socda wadamada dariskala ah wadanka Soomaaliya ilka jiir ayaa sheegay in iyagoo Kaashanaya  hay’ada UNHCR ay wadaan qorshayaal wax loogu qabanayo dadkabarakacayaasha ah,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inayisku dayayaaninay sii wadaan is aragyada noocaanookaleahku  Waasi oo  wax loogaga ogaanay xaalada dadkabarakacayaasha ah.

Kulankaani ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara wasaarada Arrimaha Gudaha iyo dadka qaxootiga ah ee ku dhaqanmagalda garoowe tan iyo intii ay bilatay bisha barakaysanee Ramadaan.

 

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}