Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay rag lala xiririnayo dilkii Alaha u naxariistee Dr Axmed Xaaji C/raxmaan.

Wasiirka Amniga Dowlada Puntland Khaliif Ciise Mudan Ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladu gacanta ku soo dhigtay ragii dilay Ditoorka, islamarkaana ay soo qabteen ciidamada Amanka ka dib dadaal dheer oo ay u galeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dambiilaha dilay.

Waxa uu intaasi raaciyay Wasiir Khaliif Ciise Mudan in xiliyada ugu dhow ee ugu macquulsan ay maxkamad soo taagidoonaan si logu qaado ciqaabta dembiga ay geysteen.

Waxaa kale oo sheegay in ay gacanta ku hayaan ilaa 7 qof oo sida ay rumeysan yihiin ciidamada Amaanku, in ay ku lugleeyihiin dilka sh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan, islamarkaana ay ku dabajoogaan qaar kale.

Kulan saxaafadeed uu ku qabtay gudaha Magaaladan Boosaaso ayuu warkan ku shaaciyay wasiirka Amnigu, waxaana sidoo kale uu ka hadlay arimo farabadan oo ay ka mid tahay xaaladaha Amaandaro ee ku soo badanaya Magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay wasiirku in xaaladaha Amaan iyo qaraxyada ka dhacaya Boosaaso ay ka hortagayaan islamarkaana ay u hayaan dad qaraxyo is xig xigay oo maalmahan ka dhacayay magaalada Boosaaso.

Si kastaba ha ahaatee Warka ka soo baxay Dowlada Puntland ayaa ku soo aadaya xili ay soconayeen Baaritaani ku aadan sidii loo heli lahaa ragii ka dambeeyay dilkii Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan, islamarkana xaalada Amaan ee Boosaaso ay aheyd mid ka soo dareysa ayna mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayeen qaraxyo.

SBC International Boosaaso