Wasaaradda amniga Puntland ayaa  maanta soo Bandhigay Qof watay Walaxa Qarxa oo ku qarxin lahaa  Sarkaal uu Ka tirsanaa gurigiisa, waxaana uu ka tirsanaa Ninkani Maleeshiyadii ka Dagalamaysay Buuralayda Galgala oo ka amar qadan jirtay SH Maxamed Siciid Atam, ka dibna waxaa uu ka soo baxay kooxdii uu horay uga tirsanaan jiray isaga oo ka faaidaysatay cafiskii dowladu ufidisay dhalinyaradii dagaalka ka qaybgalay.

Ninkaan iyo Walxaha Qarxa oo ay Maanta soo Bandhigeen Ha’yadaha Amniga Puntland ayaa waxaa ka hadlay oo faahfaahin Dheerada ka bixiyey Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  oo shegay in qaraxn loogu tala galay Sarkaal ka tirsan Cidamada Puntland oo ku sugnaa Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag,

Waxa uu intaasi ku daray in ay ku talagaleen in ay laayaan dadka waxgaradka ah ee reer Puntland iyaga oo ku gabanaya islaamnida taas oo uu ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin maadaama ay laynayaan dad islaaam ah

Waxaana uu ugu baaqay dadka degan deegaanada buuraha ku xeeran in ay ka hortagaan dadkaas ka soo horjeeda xasiloonida

Ka dib waxaa isna dhiniciisa sharaxaad ka bixiyay Nin waday qaraxan oo loogu dhiibay sarkaalka Gurigiisa uu kula noola inkastoo uu ninkaani ka tirsanaa Malayshiyadii Ka dagalamaysay Buraha Galgala ee ka amar qadan jiray Maxamed Siciid Atam .

Waxaa lagu magacaabaa Mursal Cali Xasan ayaa sheegay in ay mudo badan xirir la soo samaynayeen kooxdii uu horay uga tirsanaan jiray  iyaga oo usheegay in uu qarxiyo ninkaas sarkaalka ah ee ka tirsanaa dowlada Puntland ee uu la noolaa maadama uu san isaga ka shakinayn isaga oo sheegay in markii loo soo gudbiyey qarixii uu go.aansaday in uu dowlada ku war galiyo waxaana uu ku wareejiyey sarkaalkii lagu tagalay in lagu qarxiyo,

Waxa uu intaas ku daray mursal oo warbaahinta la hadlayey in aan damiirkisu ogolayn in uu waxyeelo u gaysto dadkiisa iyo dalkiisa uuna ka waantoobay khakhaladkii uu horay ugalay maadaama cafiskii loo fidiyey uu ka faaidaystay.

Waxyaabihii Qaraxa ahaa ee Uu Mursal waday.

Waa Markii ugu horaysay ee Wiil Dhalinyaro ah oo watay walxo qaraxa oo uu fulin lahaa ka noqdo Go’aankiisa Degamada Puntland kuna warejiyay Saraakiisha amaanka walxiihii uu qarxinlahaa

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe