Wasaarada Amniga Puntland oo Go’aan kama dambeys ah ka soo saartay Bacaha Madow ee Gaadiidka

Wasaarada Amniga Puntland ayaa maantay soo saartay Go.aan ka ma Dabays ah oo ku aadan Beer Soolka Lagu xirto Baabuurta .

Wasiir ku Xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa wax uu sheegay in Cidii lagu arko iyadoo Beer Sool ugu xiranyahay laga qaadi doono talaabo cad

Cabdi Jamaal ayaa wax uu sheegay in Beer Soolka horay ay Dowldau u mamnuucday hadan ay wali gaadiid laydu isticmaalaan Taasna wax uu sheegay in Ciidamada Amniga ay ka howl gali doonan  soona qaban doonan Gaarigii lagu arko .

Waxaa kaloo uu sheegay in barah kaantaroolada ah looga baahan yahay inay qabtaan gaarigii sida iyo qofka isagu doonaayah inuu ka ganacsado  isagoo sheegay inuusan garanayn sababta dukaamada loogu iibanaayo madaama ay dowladu  gaar ahaan Wasaarada amnigu ay mamnuucday .

Wasiir ku xigeenka ayaa wax uu sheegay in Beer Soolku ka soo dagin Dekeda Boosaaso lakin laga keeno Waqooyiga taasna ay qaban karaan Ciidamada jooga barha kaantaroolada ah .

Ugu dabaytii ayaa wax uu ka dhawaajiyay inuu Beer soolku ka qayb qaato amni darada taasana ay tahay mid u bahaana in laga hortago  dhanka kale wax uu tilmaamay in cid aan fasax u haysan aysan ku xiran Karin gaadiidka hadii ay dhacdana lagu soo rogi doono ganaax  .

Axmed Nuune
SBC International Boosaaso

2 Responses to Wasaarada Amniga Puntland oo Go’aan kama dambeys ah ka soo saartay Bacaha Madow ee Gaadiidka

  1. wasaarada Amniga Putland waan kutaageeraynaa arintaas wana loo baahnyahay inayqabato cidii lagu arko waxaas ookle

  2. Abduraxman says:

    Waa sax in ay dowladu ku dalaasho amniga waayo amniga wuxuu ka midyahay nolosh
    marka dowlada puntlan iyo shacabkeeda waxaan u rajaynaynaa barwaaqo iyo ALLAH inuu balaayada ka qabto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII