Warshad ka mid ah warshadaha sameeya isbuunyada ee ka howlgala Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ayaa maanta waxaa qabsaday Dab aad iyo aad u xoogan oo sida la arkayay sameynayay Qiiq ama Uuro aad u weyn.

Warshadan oo uu maanta qabsaday Dabka ayaa waxaa ay ku taalaa dhinaca koonfureed ee magaalada Waxaase lagu magacaabaa (Diiriyeyaal).

Dabka qabsaday warshadani ayaa soconayay mudo ku dhowaad saacad ah, waxaana halkaasi intii uu dambku socday u gurmaday saraakiisha Dabdemiska Dowlada Hoose,  booyadaha biyaha dadweynaha kuwaas oo ka qeyb qaadanayay hakinta Dabkaasi.

Duqa degmada Boosaaso Xasan C/dala Xasan ayaa isna halkaasi ku tagay intii dabku soconayay kormeed isagoona halkaasi ugu waramay SBC sheegayna in dabku ay siweyn isugu howleen dabdimisyada Dowlada hoose iyo dadweynaha Magaalada .

Dabka ayaa iminka lagu guuleystay in la baqtiiyo, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay Baaxadiisa, mana jiraan saraakiisha warshadaasi oo ka hadlan arintan Masiibada ah, laakiin waxaa la rumeysanyahay in uu jiro khasaare baaxad leh oo warshada soogaaray.

SBC Intenational Boosaaso