Shir ay maanta Golaha Wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegey New York iyo Washington, magacaabis agaasimaha hay’ada nabadsugidda qaranka, dhacdo ka dhacday airportka Muqdisho iyo dagaalo beeleed ka dhacay gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasirada siiyey warbixin la xiriirta safarkii uu dhowaan ku tegey magaalooyinka New York iyo Washington oo uu ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii May 2011 oo looga hadlayey arrimaha Somalia.

Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxuu ka warbixiyey kulamadii uu la qaatay mas’uuliyiin ka socota aqalada Senate ka iyo Congressman ka iyo kulamo uu la qaatay jaaliyadda soomaalida ee dalka Mareykanka.Ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax uu soo gudbiyey musharaxii agaasimaha hay’adda Nabad suggida Qaranka ayaa golahu ka doodeen, isla markaana isku raaceen in Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed uu noqdo Danjire Axmed Macalin Axmed Fiqi.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca mudane Abdihakim Haji Mohamud Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta dhacda saakay ka dhacday airportka Muqdisho oo ay labo dayuuradood oo aan sumad laheyn ay soo cagadhigteen garoonka, ka dibna ay is weydaarsadeen xamuul. Ka dib baariteen ay ku sameeyeen hay’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu helay inay wadeen lacag gaareysa 3 million iyo 600 kun oo dollar.

Booliiska ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaadkii ka danbeeyey arrinkan waxaana socda baaritaan ay boolika soomaaliyeed ku waddaan falkan. Golahu waxey si aad ah ugu ammaaneen wasaaradda arrimaha gudaha sidii ay falkaan uga hortageen, isla markaana ay gacanta ugu dhigeen dadkii ka danbeeyey falkaan. Ugu danbeyntii golaha wasiirada waxey u soo jeediyeen baaq nabadeed beelaha ku dagaalamay baacad weyn ee gobolka Mudug, uguna baaqay inay joojiyaan dagaalka oo ay wada hadlaan. Golahu waxey isla garteen in wafdi heer wasiir iyo xildhibaano loo diro goobaha ay beelaha wallaalaha ah ku dagaalameen.

– DHAMAAD – –

– Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608 Mogadishu, Somalia