Shir ay maanta golaha wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga, Sharciga Hay’adaha Maaliyadda, tariifooyinka canshuuraha, Sharciga Bankiga Dhexe iyo magacaabid Agaasime Guud.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta amniga iyo howlgaladda Ciidamada Qaranka ay wadaan. Golahu waxey u mahadceliyeen ciidamada qaranka iyo guulaha isdaba jooga ah sida guushii maanta oo ay ciidamada kula wareegeen Hoyga saraakiisha Ciidanka (Shirkolo Officiale) iyo goobo kale.

Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in dhamaan gaadiidka iyo ciidamada mas’uuliyiinta dowladda ilaaliya la wada diiwaangeliyo, isla markaana aan la oggolaan doonin gaadiid aan laheyn taargo iyo hub aan sharciyeysneyn.

Wasiirka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta tariifooyin cusub oo lagu canshuuri doono badeecadaha soo gala dalka oo ay isku soo duba-rideen Hay’adaha ku shaqada leh. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey tariifooyinkan cusub oo dhowaan dhaqangelintooda la billaabi doono. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay marka la dhaqan geliyo tariifooyinkan cusub ay si mug leh kor ugu qaadi doonaan dakhliga dowladda, kaasoo sahli doona in bulshada loogu adeego.

Golaha wasiirada waxey warbixin dheer ka dhageysteen Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane Abdullahi Haji Jama Ali oo golaha u sharaxay hindise sharciyeed cusub oo noqon doona Sharciga Bankiga Dhexe ee Somalia. Sharcigan ayaa ah mid ay soo diyaariyeen khubaro ku xeel dheer arrimaha bankiga. Sharcigan ayaa ah mid casriyeysan oo la jaanqaadi kara marxaladda hadda lagu jiro, isla markaana la waafajiyey Shareecada Islaamka. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey ansixiyeen hindise Sharciyeedkan oo ah Sharciga Bankiga Dhexe ee Somalia, isla markaana la horgeen doono Baarlamaanka si ay u ansixiyaan dhaqangelidiisa.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaarada Dekedaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ayaa golaha u soo gudbiyey shaqsigii ay u soo xuleen inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in Mudane Mohamed Osman Ali (Dhagaxtuur) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha.

                                                                                 – DHAMAAD –

 Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

Mobile: +252-615536608

             +252-6-2536608

Mogadishu, Somalia