Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa wefdigiisa ka mid ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisan ayaa waxa ay casuumaad rasmi ah ka heleen dowladda Kenya gaar ahaana Ra’iisul Wasaare Raila Odinga iyagoo ka wada hadli doona arrimaha siyaasada iyo horumarinta ammaanka xuduudaha labada wadan oo  beryihii ugu dambeeyey ay ka soconayeen howlgalo ka dhan ah kooxaha argagixisada ku daaban ee Al shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo markii uu ka dhoofayay garoonka faah faahiyay safarkiisa ayaa tilmaamay in muhiimada socdaalkiisu ay tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya isagoo xusay in labadan ay iskaashi wanaagsan ka yeelan doonaan sugida amniga iyo deris wanaaga.

Maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 31-10-2011 ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulan la qaato dhigiisa dalka Kenya Mr. Raila Odinga iyo Wasiiro ka tirsan golihiisa.