Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland oo looga hadlayey dagaaladii dhimashada & dhaawaca dhaliyey ee ka dhacay deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey warbaahinta SBC, iyadoo warsaxaafadeedku u qornaa sidan.

Puntland State of Somalia

Garowe

WAR-SAXAAFADEED

11 May 2011 

Ciidanka Puntland oo Kooxda Shabaab ka Dilay 21-nin 

Saakay aroortii baa waxaa ambush (weerar) lagu sameeyey ciidamada Dowladda Puntland oo fadhigoodu yahay deegaanka Buuraleyda Galgala. 

Waxaa qori basuuke ah lagu dhuftay gadiidka ciidanka Dowladda Puntland iyadoo ay jirto ilaa 5-dhimasho ah iyo 4-dhaawac ah dhanka ciidanka Dowladda. 

Ugu yaraan 21-nin baa laga dilay kooxda Al Shabaabka oo dhowaan qaab dhuumaalaysi ah ku soo gashay Buuraleyda Golis oo galbeed ka ah deegaanka Galgala, iyadoo maydad tiro badan ay weli yaalaan goobtii dagaalku ka dhacay. 

Firxadka kooxdii Shabaabka ayaa dib ugu cararay deegamada buuraleyda ah, iyadoo Ciidamada Dowladda Puntland ay daba joogaan baadigoobkoodii. 

Wixii kale oo tafaasiil ah waanu idiin soo gudbin doonaa. 
 

—–

Wasaaradda Amniga iyo DDR
Dowladda Puntland
Bossaso