Anagoo ah ka soo qayb galayaasha Shirka Istanbuul ee Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed oo ka kooban odayaasha Dhaqanka,Culumaa’udiinka, Aqoonyahannada, Ururrada Siyaasadeed ee abuubulan, Ururrada haweenka, dhalinyarada, ganacsatada iyo qurba-joogta waxaan isugu nimid in aan ka tashanno, qiimayna ku samayno  xaalladda adag iyo khatarta ku aaddan jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Ujeeddada weyn ee kulankani waxay ahayd in xal loo helo kala fogaanshaha ku yimid bulshadeena, tabartayada iyo dedaalkayagana isugu geynno sidii loo dhisi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo madax bannaan, midaysan, cadaalad ku dhaqanta, nabad ah, dimoqoraadiyadda ku shaqaysa, barwaaqana ah.

Ka soo qayb galayaasha Soomaaliyeed waxaa u suuragalay in ay ku kulmaan jawi ka madax bannaan culaysyo siyaasadeed, dano murashax, iyo faragelinta dad u adeegaya dano shisheeye.

Afartii maalmood ee shirku socdey waxay ka-qaybgalayaashu isla garteen, islamarksaasna ay si buuxda uga wada hadleen arrimo badan oo muhiim ah. Dood dheer ka dib waxaa dadka laga ururiyey afkaartooda iyo talooyinkooda.

Shirku wuxuu xoogga saaray arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaalaha & Dib-U-Dhiska, Horumarinta Bulshada, Cadaaladda, Dib-u-heshiisiinta, Xilliga Kala-guurka, iyo Dastuurka.

Siddeed guddi ayaa shirka loo kala bixiyey, waxayna aragtiyo iyo talooyin kala duwan kasoo bixiyeen qodobbadii shirku ka doodayay. Kaddibna waxay kusoo talo-celiyeen shirwaynaha:

Shirku wuxuu go’aamiyey:

·         Waxaan mahad celin iyo abaal weyn u haynaa dawladda iyo shacabka Turkiga; waxaanan ku dhiirri gelinaynaa dawladda Turkey in ay sii waddo taageeradeeda ay siiso dadka Soomaaliyeed si loo gaadhsiiyo Soomaaliya in ay la mid noqoto dawladaha adduunka, dibna u soo ceshato ixtiraamkii iyo sharaftii ay ku dhex-lahayd beesha caalamka.

·         Waxaan si buuxda u taageersannahay in xilliga kala guurka la soo afjaro oo uu dhamaado 20ka Oogosto, 2012.

·         Amniga: In la abuuro ciidan qaran oo awood wax-qabad leh, loona dhan yahay, islamarkaasna ka amar qaata qof ay dadku soo doorteen; In la abuuro Hey’adda Difaaca Qaranka si loo yareeyo saamaynta ay is bedeladda xukuumadaha fara badani ku leeyihiin dhisidda ciidamada; In la abuuro fursado tababar iyo goobo tababareed oo dalka dhexdiisa ah.  In la abuuro guddi gunnada & mushaharka ciidamada qaabilsan si loo hubiyo daryeelka xubnnaha Amniga iyo in miisaaniyad ku filan loo helo, dayacana laga ilaaliyo ciidamada; Waxaan codsanaynaa in Qarammada Midoobey ka qaaddo Soomaaliya cunaqabtaynta hubka ee saaran marka la isu keeno ciidan loo dhan yahay oo tababaran; in la abuuro hey’ado garsoor oo madax bannaan oo dib u eega xadgudubyadii ka dhacay Soomaaliya; in wax laga qabto xaaladda xabsiyada dalka si loo soo gaadhsiiyo heerka (mustawe) caalami ah oo dhawraya xuquuqda bani’aadamka; in ciidamada ururka midowga Africa ee AMISOM loo bedelo kuwo isku dhafan oo ciidamo nabad-ilaalineed oo Qarammada Midoobey ah, laguna soo daro ciidamo dheeraad ah oo ka yimid dawlado Muslim ah si looga hortago dacaayadda Al-Shabaab ee oranaysa Soomaaliya waxa ku soo duuley ciidammo aan Muslim ahayn.

·         Dib-u-dhiska Dhaqaalaha: in la dejiyo siyaasad ku aaddan taageerada ama deeqaha dibadda ka imanaya oo saamayn leh, shafaafiyad leh, isla xisaabtan leh, loona kala warqaado si la isaga ilaaliyo ku xirnaan ama ku tiirsanaan joogto ah; in la yagleelo siyaasad canshuureed iyo maamul saamayn leh; in sharciyo awood fulineed leh loo sameeyo maaraynta ganacsiga; in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto shirweyne dhamaystiran oo ku aaddan soo kabsashada iyo horumarinta Soomaaliya; in la qaato isla xisaabtan iyo shafaafiyad ku aaddan maaraynta dhammaan lacagaha soo gala dawlada; in la dhiiri geliyo iskaashiga hantida guud iyo milkiilayaasha gaarka ah (PPP); in la abuuro mashriic lagula dagaalamayo saboolnimada, looguna tala galay qaybaha ugu jilicsan bulshada;  In la abuuro mashaariic xirfadlayaal lagu tababarayo oo loo siman yahay si looga soo kabsado aqoon yahannadii ka tegey dalka labaatankii sano ee la soo dhaafay; in la abuuro barnaamijyo lagu horumarinayo miyiga oo lagama maarmaan u ah hubinta  in reer miyigu helaan hab-nololeed la isku halayn karo;

·          Horumarinta Bulshada: in la abuuro siyaasad waxbarasho oo qaran oo midaysa manaahijta waxbarasho ee hadda kala qaybsan; in la helo waxbarasho lacag la’aan ah oo dugsi hoose ilaa dugsi sare ah – waxbarasho qof walba helo; in ahmiyada sare la siiyo horumarinta dhalinyarada; in loo helo dhalinyarada waxbarashada dadka waaweyn iyo dugsiyo farsamo; in shacabku helo daryeel caafimaad iyo waxbarasho caafimaad oo lagula dagaalamo cudurrada; in dadku helaan biyo la cabbo oo nadiif ah; in la abuuro siyaasado qaran oo lagaga hortegayo sad-bursiga dhinacyada badan ee bulshadu ku hayso dumarka Soomaaliyeed; in dhiirri gelin la siiyo Soomaalida xirfadaha aadka u sarreeya leh sidii ay ugu soo noqon lahaayeen dalka waxna ugu soo kordhin lahaayeen dib-u-dhiska dalka; in la abuuro hay’ad madax bannaan oo ay leeyihiin qurba-joogta Soomaaliyeed oo dhan.

·         Dib-u-heshiisiin: Ka qaybgalayaasha shirku waxay tilmaameen sababo dhawr ah oo masuul ka ahaa in ay sii socdaan colaaduhu sida cadaalad darrada, is-cadaadiska, dhul-boobka, qabyaalladda, musuqmaasuqa iyo saboolnimada.

Sidaa awgeed, ka soo qaybgalayaasha shirku waxay soo jeedinayaan talooyinka soo socda:

·         In odayaasha dhaqanka kaalin muhiim ah laga siiyo geeddi-socodka dib u heshiisiinta;  in la soo afjaro caadada ah in dambiiluhu uusan ciqaab iyo xisaabtan ka welwelin, laguna cadaadiyo kuwii dembiyada galay in ay masuuliyaddooda qirtaan; in la qaado tillaabooyin kalsooni-dhis ah si loo helo nabad iyo dib-u-heshiisiin; in lala xaajoodo cid walba oo dawladda ka soo horjeedda; in la baabi’iyo nidaamka awood-qaybsiga 4.5 laguna beddelo 5 inta laga gaarayo in qof walba oo codkiisa uu si xor ah u dhiibto; in aqal labaad oo odayaasha dhaqanku leeyihiin laga abuuro baarlamaanka; in la yagleelo nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan oo xisbi waliba taageerayaal ku yeesho gobollada dalka oo dhan; in la abuuro guddiga xaqiiqada iyo dib-u-heshiisiinta si xal loogu helo tabashooyinka taagan.

·         Dastuurka: Heshiis bulsho oo sidan u weyn degdeg iyo indho-xirnaan laguma ansixin karo iyadoo ay jiraan isku-haysasho iyo shaki badan. Sidaa awgeed, waa in waqti ku filan la siiyo Golaha Ansixinta Dastuurka iyo dadka Soomaaliyeedba si ay uga doodaan una falanqeeyaan dhamaan wixii lagu daray ama laga saaray qabyo-qoraalka dastuurkan cusub; ka soo qayb-galayaasha shirku waxay soo dhoweynayaan dedaalka loogu jiro in la helo dastuur Soomaaliyeed, waxayna u arkaan inay arrintaashi tahay waajib wadani ah; waxay ka-qeyb-galayaashu walaac badan ka muujiyeen in qarsoodi laga dhigo qabyo-qoraalka dastuurka cusub; waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda ku-meel-gaarka ah inay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed qoraalkii ugu dambeeyey ee dastuurka cusub si uu u noqdo mid laga wada qayb qaato; in hoosta laga xariiqo in Dastuurka Soomaaliyeed uu ku salaysnaado oo aasaaskiisu ahaado mabaadi’da aasaasiga ah ee Islaamka, kuwaasoo ah Quraanka iyo Sunnada; waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Federalka ah ee KMG ah in ay ka dhigto hanaanka dastuur-samaynta mid aan mugdi ku jirin Soomaliduna garwadeen ka tahay; in loo sameeyo odayaasha dhaqanka mu’asasad joogto ah oo ay kaga qayb-qaataan maamulka dalka. Waxaa jira is maandhaaf ku aaddan “u-dhashay-ku-dhashay” shirkuna wuxuu soo jeedinayaa in loo baahan yahay in arrinkan doodiisa la sii wado inta aragti midaysan laga yeelanayo. Shirku wuxuu taageersan yahay in dumarku helaan ka-qayb-gal dhan 30% oo ku aaddan Baarlamaanka iyo guddiyada la soo xulayaba; aragtiyo kala duwan ayaa ka jira qadiyadda “Federalism”, waxaana la isla gartay in arrinkani u baahan yahay dood iyo wada-hadal dheer oo heer qaran ah.

·         Kalaguurka: Kalaguurku waa in uu dhamaadaa August 20, 2012 waana in loo gudbaa dawlad joogta ah, dimoqoraadi ah, islamarkaasna Islaamka ku salaysan; baahi ayaa loo qabaa dawlad shaqaynaysa, xoog leh, cadaalad ah; hay’adaha dawladda oo dhan waa in ay hogaamiyaan dad karti u leh; odayaasha dhaqanku waa in ay marjac u noqdaan dawladda oo loo sameeyaa aqal labaad oo Baarlamaanka ka jira; ka soo qayb-galayaasha shirku waxay ku baaqayaan in la abuuro nidaam siyaasadeed oo xisbiyo badan iyo hab la isku doorto leh, xisbi walibana waa inuu taageerayaal ku leeyahay dhammaan gobollada Soomaaliya; Soomaalidu waa siman tahay sidaa awgeed eex, qabyaalad iyo nin-jeclaysi waa inuu dhamaado; afka Soomaaligu wuxuu ka kooban yahay laba “Maay iyo Maxaa Tiri” warbaahinta dawladduna waa inay wararka ku sii deysaa labadaba; dawladda Soomaaliyeed waa inay la dagaallantaa musuqmaasuqa; shirweynuhu wuxuu ku taliyey in la kordhiyo tirada xubnaha Baarlamaanka oo hadda 225 ah, loona bedelo 275; shaqada ay leeyihiin guddiga farsamada waa in lagu noqdo.

Fiiro Gaar ah: Warmuriyeedkan ayaa loo gudbinayaa madaxda siyaasada Soomaalida, qaramada Midoobay, ururada Soomaaliya xubinta ka tahay iyo dawlada kale ee daneeya arimaha Soomaaliya iyadoo beri warmurtiyeedkan lagu soo bandigi doono shirka balaaran ee siyaada iyo amaanka Soomaaliya.

SBC News Desk