Allaha u naxariistee waxaa magaalada Johannesburg maanta lagu dilay wariye Ibraahim Maxamed Zaki oo ka mid ahaa saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfur Afrika.

Dilka wariyaha Soomaaliyeed ayaa yimid markii ay tuugo koonfur afrikan ah ku fureen xabado ayagoo doonayo in ay dhacaan gaari uu laha wariyaha.

Wariyahan oo mudo badan ku jiray saxaafada ayaa waxa uu waqtiyadii ugu dambeeyay war dabiye u ahaa tv-ga horn cable tv oo uu ku war bixin jiray dalka Koonfur Afrika.

Waxaa ka wada xumaaday dhacdadaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay arin laga argagoxo, waxaa sidoo kale edeyn tusha uga tuuray dadkii ka dambeeyay falkan saxafiyiintaSsoomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Koonfur Afrika.

Wariyaha ayaa waxa uu ku sugnaa bartamaha magaalada Johannesburg gaar ahaan xaafada Soomaalida ee loo yaqaano New town xiliga uu la kulmay musiibadan.

Mid ka mid ah soomaalidii ka agdhowaa halka lagu dilay wariyaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wariyahan dileen burcad baxsad eheed oo ka cararayay booliska ka.

 ma’ahan markii ugu horeysay oo muwaadin Soomaaliyeed lagu dilo dalkan, balse hadane waxaa lagu wada toosay markii la sheekay in muwaadinka la dilay oo ka mid ahaa saxafiyiinta soomaaliyeed ee ku sugan dalka, waana markii ugu horeysay oo lagu dilo saxafi Soomaaliyeed halkan.

 

Saadaad ahmed gobey
koonfur africa
sadaamg@gmail.com