Oohinta ama ilmadu waxaa culimadu cilmi nafsigu ku sheegeen mid ka mid ah nasaq iska saarka ama aad iska iska soo goyso dareenkaaga wax ku taagan oo aad xamili waydo ama xakameyn waydo, taasi oo ku timaada murugo ama farxad.

Dad badan ayaa la ooya oo ilmadu ka soo qubataa marka ay la kulmaan xaalad adag oo murugo xambaarsan, waxaase ku lamaansan oohin ku timaada farxada oo qofka aanu ceshan karin ilmo ka soo qobata marka uu qaabilo wax uusan fileyn.

Hadaba dhawaan dalka Yemen waxaa ka dhacdey in gabar wariye ka ah Telefishinka dawlada Yemen ee Yemen TV ay ceshan wayday ilmada ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxweynenimada wadanka Yemen madaxwene Cali Cabdalla Saalax oo xilkaasi hayey mudo ka badan 20 sano.

Gabadha wariyaha oo lagu magacaabo Zayyat ayaa xiligaasi ku jirtey akhrinta war si toos ah (live) looga tabinayey mid ka mid ah istuudiyaasha Telefishinka waxaase ay ceshan wayday dareenkeeda ay kaga murugoonayso go’aanka iscasilada Madaxweyne Saalax iyadoo indhihiida ilmo ka soo qubatey, isla markaana codkeeda uu isbadalay taasi oo aanay qarsan.

Si aad u daawato gabadhaha wariyaha ee ilmadu ka qubanayso iyadoo live war u akhrinaysa link-ga video-ga hoose riix.
Halkan Riix video

daawo

Yaasiin Faradheere
SBC Stockholm Sweden