Alle ha u Naxariistee waxaa Xalay Isbitaalka Digfer ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Wariye Cabdullahi Cismaan Macalim oo ka mid ahaa Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Cabdullahi Cismaan Macalim oo ka Howlgali jiray TV-ga Jubbaland Xafiiskiisa Magaalada Baledweyne ayaa Dhaawac Culus uu ka soo gaaray Madaxa,waxaana uu ku Dhintay Gudaha Isbitaalka Digfer ee Maagalada Muqdisho sida ay noo Xaqiijiyeen Saxafiyiin ka tirsan Tv-ga Jubbaland.

Dhaawaca Wariyaha ayaa in Muqdisho loo soo qaado waxa ay ka dambeysay, kadib markii wax looga qaban waayey Isbitaalada ku yaalla magaalada Beledweyne.

Allaha unaxariistee Marxuumkan ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana hada socota qaban qaabada Aaska.

Qaraxan oo Axadii ina dhaaftay ka dhacay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee ku taala Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku dhintay laba qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 qof oo ay ku jiraan Wariyeyaal ka howlgalayay magaaladaasi.

Illaahey ha u Naxariisto Walaalkeen Samir iyo iimaana Alle ha ka siiyo Ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay”Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun.