Wararka Laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Halkaasi ay ka socdaan Xiisado Siyaasadeed oo kala duwan kuwaas oo u dhaxeeya Maamulada Puntland & Somaliland,

Ilaa xalay waxaa Tagay deegaano hoostaga Degmada Baran ee Xarunta Gobolka Sanaag – Puntland, Wasiiro Iyo Saraakiil ka Tirsan Madaxtooyada Puntland, Oo La kulmayay Qeybaha Kala duwan ee Bulshada Deegaanka,

Wasiirka Amniga Puntland, Wasiir Ku Xigenka Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada, & Agaasimaha Warfaafinta Wacyigalinta , Hidaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland ayaa Saacadihii la soo dhaafay Tagay Magaaladda Baran ee Xarunta Gobolka Sanaag – Puntland,

Wafdiga Puntland ee Gaaray Degmada Baran

Agaasimaha Warfaafinta Wacyigalinta , Hidaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland Cabdirshiid Yusuf Jibriil oo La hadlay Warbaahinta SBC Ayaa sheegay iney kormeer ku tageen Saaka deegaano Hoostaga degmada Baran, halkaas oo ay Difaac kaga jiraan Ciidamada Daraawiishta ee Puntland,

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay iney la kulmeen Odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaasi oo ay oga digeen iney u soo baxaan Doorashada Madaxtinimada ee maamulka Somaliland,

Barito oo isniin ah Ayaa la filayaa in Dadweynaha Somaliland u dareeraan Doorashada Madaxweynaha ee Maamulka Somaliland, Waxaana Ay Madaxda Xisbiyada iyo Gudiga doorashadu ku hanjabeen iney codeyn doonaan Dadweynaha Degan Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay kuwada muransanyihiin labada Maamul ee Puntland & Soomaaliland.

DHAGEYSO WAREYSIGA :