Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay dembi baaris ay Dowladda Britain ku furtay sharikado hore heshiis ula galay Soomaaliya, ka dib eedeyn la xiriirta musuqmaasuq ka dhacay Soomaaliya.

Wasaardda Batroolka ayaa qirtay baaritaanka uu Xafiiska [ka hortagga] musqmaasuqa culus ee UK,

SFO, uu billaabay ee ku wajahan sharikadda Soma Oil and Gas Exploration Limited (SOMA), waxayna

Wasaaraddu sheegtay in ay si buuxda gacan uga geysan doonto, haddii sidaa la weydiisto.

War saxaafadeed ay maanta soo saartay, Wasaaraddu waxay ku tilmaantay in soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya uu muhiim u yahay xasilloonida dalka.

Waxay intaa raacisay in keydka shidaal ee Soomaaliya uu yahay kheyraad Qaranku leeyahay oo ay tahay in looga faa’iideeyo danta Qaranka si hufnaan ah oo aan mugdi ku jirin.

Heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Sharikadda Soma Oil and Gas 25 April 2014 waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Daud Omar Mohamed oo markaa ahaa Wasiirka Batroolka.

Xafiiska SFO ayaa Jimcihii 31-July 2015 wuxuu sheegay in uu dembi baaris la xiriirta eedeymo musuqmaasuq Soomaaliya uu ku sameynayo sharikadaha SOMA Oil & Gas Holdings Ltd, SOMA Oil & Gas Exploration Limited iyo SOMA Management Limited iyo qaar kale.

Nuqul heshiiska Soomaaliya iyo Soma Oil and Gas Exploration Limited halkan ka akhriso.

Halkanna ka akhriso warbixintii aan ka diyaariyay Baaritaanka Xafiiska SFO iyo codsigiisa ku wajahan cidii xog ka haysa kiiskaan.

Hoos ka dhageeyso Wareeysi SBC ay la yeelatay u qaabilsanaha Arimaha Dibada Ee Wasaarada Patroolka Somalia Ibraahim Xuseeyn Waxaana wareeystay Cowke