Deegaanka Coodanle Oo Qiyaas Ahaan U jirra Magaaladda Buuhoodle 30-KM Ayaa Waxaa Ka Furmay Shir Nabadeed Oo Lagu Dhex Dhexaadinayo beelo Wadda Dagga Deegaankaasi.

Maxamuud Xaaji Saleebaan Xirsi (Waraabe) Oo Ah Xiriiriyaha Shirkaasi Nabadeed Oo La Hadlay SBC Ayaa sheegay in shirku Uu Socdo Waxyaabaha Ay Kala Tabanayaan Beelahanna Laga wadda Hadlayo.

Wuxuu Sheegay ineysan Jirin Gacmo Siyaasadeed Oo Shirkan Ku Jirra, isagoo Ugu Baaqay Dadka Deegaankaasi iney Midoobaan Kana Shaqeeyaan maslaxadda iyo wadda nolaashiyaha.

Hoos ka dhageyso wareysiga: