Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland saacadihii la soo dhaafay ku dhexmaray duleedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ugu yaraan 7 Qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Sangaduud oo 50 KM dhinaca Bari ka xiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dhinaca Kalana Saraakiisha ciidanka Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland in ay weerar ku soo qaadeen, balse ay iska caabiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo la hadlayay SBC ayaa sheegay in xaaladda deegaankaasi ay tahay Caawa mid degan, Marka laga yimaado iska hor imaadkii Galabta Dhacay.

DHAGEYSO WAREYSIGA :

Xaaladda deegaanka Sangaduud ayaa ah mid kacsan, iyadoona weli rasaas teel teel ah laga maqlayey Galabta deegaankaasi.

Madaxweyne Ku Xigenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo Isna la hadlayay SBC Ayaa ku baaqay in Si deg deg ah Coladaasi loo joojiyo,

Wuxuuna sheegay in Ilaa bari subax Loo diri doono deegaankaasi Odayaal dhaqameed ka qeyb qaata Dejinta Xiisadaasi,

Dhinaca Kale wareysiga Madaxweyne ku xigenka Wuxuu kaga Hadlayaa Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee lagu dhisay Kismaayo iyo eedeynta joogtada ah ee ay u jeedinayaan Dowladda Fedraalka ah,

Ugu Danbeyna wuxuu Ugu Baaqay Madaxweynaha Puntland inuu faraha kala boxo arimaha Siyaasadeed ee Galmudug oo uu sheegay inuu mudooyinkii danbe ka hadlayay,

DHAGEYSO MADAXWEYNE KU XIGENKA GALMUDUG :