Madaxweyne Ku Xigenka Puntland ahna Kusimaha Xilka Madaxweyne Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey Ayaa Ka Hadlay Xaaladda Guud ee Puntland

Madaxweyne Ku Xigenka oo Wareysigan Siiyay Warbaahinta SBC Ayaa Kaga warbixiyay Xaaladda Nabadgalyada, Abaaraha, Burcad-Badeeda, Koox diimeedka Al-Saaciduuna Bil Xaq iyo Arimo kale,

Abaaraha

Eng. Camey ayaa sheegay in Xaaladda Abaaraha ay mareyso Heerkii Ugu Sareysay, Waxaana sheegay in dadka reer Guuraaga ah ee ku nool Gobolada Nugaal iyo Mudug u dheertahay xanuuna ka dilaacay goobaha ay isugu soo guureen dadka reer Guuraaga ah,

Wuxuu xusay ineysan si rasmi ah u helin dadkaasi Gar-gaarkii ay u baahnaayeen, Wuxuuna ku dhaliilay hay’adaha Samafalka iney ka gaabiyeen Gurmadkii ay u baahnaayeen Dadkaasi, Ogana Hadleen Shirkii Shalay ee Golaha Wasiiradda

Ka dowlad ahaan ayuu sheegay iney ku jiraan da’daalkii ugu danbeeyay ee lagu caawinayo dadkaasi, wuxuuna xusay iney kormeeraan xilli kasta Xaaladda Saxda ah ee ay ku noolyihiin dadka abaartu Saameysay,

Duulimaadka Buuhoodle:

Madaxweyne Ku Xigenka Puntland ahna Kusimaha Xilka Madaxweyne Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey Ayaa sheegay in Dowladdu ay go’aano ka gaartay Duulimaadyada diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle, wuxuuna ka digay in diyaaraduhu ay iska tagaan garoonka diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle.

Wuxuu xusay in diyaaradii ka dagaysa garoonkaasi, ay soo marto Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee Puntland, maadama ay hawadasi iyagu Maamulaan,

Wuxuuna iska fageeyay in Dano siyaasadeed ay ku hoosjiraan Go’aanka ay puntland ku hakisay duulimaadyada magaaladda Buuhoodle, Oo Ay horay u isticmaali jireen Siyaasiyiinta maamulka Khaatumo.

Amaanka :

Xaaladda Nabadgalyada ee Puntland ayuu ku tilmaamay dhulalka ugu wanaagsan ee Somaliya ee dhinaca Nabadda iyo Xasiloonida, Wuxuuna xusay in Amaanka Puntland uu Wanaagsan Qiyaastii % 90

Warbixinadii ugu danbeeyay ee Nabadgalyada ee ay heleen ayuuna xusay iney muujinayaan Kuwa wanaagsan, Marka laga reebo dhacdooyin Yar-yar oo aan Wax saameyn ah Laheyn,

Ururka Al-Saaciduuna Bil-Xaq :

Madaxweyne Ku Xigenka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey Ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ay aheyd Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee Ka diga Fikirka Koox diimeedkaasi Cusub, Wuxuuna sheegay iney oga mahadnaqayaan sidii ay ula qaateen Maamulada Kale,

Wuxuu sidoo kale Sheegay in Gollaha Xukuumada ee Puntland falanqayn dheer ka dib soo saareen amar cusub oo wax looga qabanayo Koox Diimeedka la magac baxay Al-Saaciduun Bil Xaq, oo golluhu uu ku tilmaamay koox Baadiyeysan oo Takfiir ah

Camey ayaa sheegay in kooxdani ay khatar kutahay diinta Islaamka, Caqiidada, Amniga dadka iyo Dalka, ayna amar ku bixiyeen in la soo tiro-koobo oo la diiwaangaliyo xarumaha ay ka shaqeeyaan ama ay gacanta ku hayaan

Xukunada Maxkamadaha :

Madaxweyne Ku Xigenka ayeey SBC Weydiisay Qoraal ay Horay Midowga Yurub oga soo saartay Xukun lagu riday 5-Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay iney ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isagoona ku tilmaamay Dhaliilaha iyo cambereynta Dalalka Reer Galbeedku iney yihiin Kuwo aan Waafaqsaneen Dhaqanka iyo Nidaamka Dowladnimo ee Umadda Somaliyeed,

Bur-cad Badeeda :

Wuxuu Ka hadlay madaxweyne Ku Xigeenka Cabsida Xooga leh ee laga qabo kooxaha Burcad badeeda Somalida, oo Falal Qafaalasho ah ka geystay
Xeebaha deegaanada Puntland,

Wuxuu sheegay in Ay Puntland leedahay Qiyaastii 1,700 KM Oo Xeeba , wuxuuna ka dhawaajiyay ineysan marnaba Fududeysan doonin khatarta kooxahaasi, isagoo soo hadal qaaday falkii Burcad badeedu ay ku Afduubteen Markabkii ARIS 13 ee Ay Puntland ku guuleysatay in Laga Sii daayo kooxihii Burcada aheyd ee Qafaalatay Markabkaasi,

Madaxweyne ku xigenka ayaa qiray in Dhalinyarada Afduubkaasi geysatay ay la kulmaan Falal isugu jira dilal Bareer ah iyo In Xiliyada qaar ay Maraakiibta jariifka ah Ka bur-buriyaan Qalabkooda kaluumeysiga, Taasina ay keentay iney ka caroodaan Dhibaatooyinka Ku soo noq-noqatay Dadkaasi.

Ugu danbeyna Madaxweyne ku xigenka Puntland ayaa sheegay iney Baarayaan Fal dhawaan Dil loogu geystay 2 Qof oo Dhalinyara ah Kuwaas oo Meydkooda la soo dhigay Xeebta deegaanka Dur-duri oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag, Waxaana la sheegay iney Dileen Ciidamada Ilaalada xeebaha ee Caalamiga ah,

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA :

By : Maxamed Deeq Cabdalla

Qorista : Yusuf Abdi Shire