Boqor Burhaan Ayaa Maanta Ku Soo wajahan Dagmadda Qardho.

Wararka Naga soo Gaaraya Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Kar-kaar Ayaa sheegaya in halkaasi Laga sugayo Boqor Burhaan Boqor Muuse Oo Ku sugnaa Maalmahan Magaaladda Garowe ee caasimadda Puntland.

Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Gobolka, Kan Dagmadda, iyo Qeybaha Kala duwan ee Bulshadda Qardho ayaa hadda U diyaargaroobay soo dhaweynta Boqorka.

Gudoomiyaha Gobolka Kar-kaar Cabdi Quraan Ayaa SBC Oga waramay imaanshaha Boqorka ee Dagmadda Qardho iyo Qaabka ay usoo dhaweyn doonaan,

Dhinaca Kale wuxuu gudoomiyuhu ka warbixiyay Xaaladda Qaxootigii U dhashay dalka yemen Ee Dib Udajinta Loogu sameeyay Magaaladda Qardho ee Gobolka Kar-kaar,

Hoos ka dhageyso wareysiga: