Waxaa soo gaba gaboobay kulamadii Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee caawa kaas oo ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray Tartanka xaafadaha kala ah Garsoor Gaalkacyo Vs Ex Ridwaan 26ka June Boosaaso,

Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana uu  ugu dambeyntii ku soo dhamaaday oo ayna guushu  raacday xaafada Garsoor Gaalkacyo  iyadoo la timi dhibco dhan 16, halka xaafada Ex Ridwan Boosaaso ay la timo 14 dhibic

Tartanka Kediska SBC ay qabato Bisha ramadaan waxa uu noqday  mid siweyn ay u xiiseeyaan uguna xisaabtamaan dhageysigiisa dadweynaha Deegaanada Puntland, waxaana habeen walba ku kulma 4 xaafadood oo min labo u wada tartama iyagoo la weydiinayo Su’aalo noocwalba leh, waxayna u kala qaataan min 8 Su’aal, halkaas oo ay ka soo baxdo Natiijada Dhibcaha ah, iyadoona 1kii Su’aal ay tahay 2 Dhibic, Hadii ay tahay mid laga faa iideysanayo ama soo dhaaftay xaafadii laheyd ay noqoneyso 1 dhibic.

Waxaa sidoo kale caawa wada tartarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada Booxaaro Sheerbi Vs Hodan Garoowe.

Labadaasi xaafadood ayaa soo bandhigay tartan xiiso leh, waxaana ugu dambeyntii tartankooda labadaasi xaafadood uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada Hodan Garoowe,  iyadoo la timi dhibco dhan 16, halka ay Booxaaro Sheerbi la timi 13, Dhibic,

Waxaa caawa Halkaasi ku soo dhamaaday Wareegani oo ahaa wareegii labaad ee is araga Xaafadaha, waxaana habeen dame insha allaah bilaabmaya is ra aragii Sedaxaad.

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

      Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com