Waxaa caawa soo gaba gaboobay tartamada wareegii 12ka xaafadood ee kediska Bisha barakeysan ee ramadaan oo ay u qabato xaafadaha Deegaanada Puntland Hay’ada warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC International.

Caawa ayaa waxaa is arkay Afartii xaafadood ee ugu dambeeyay wareegan, kuwas oo kala ahaa, Laanta Hawada Boosaaso Vs Xorgoble Qardho iyo weliba Raf iyo raaxo Boosaaso Vs Qoryacad Qardho.

Waxaa horeyay kulanka Xaafadaha Laanta Hawada Boosaaso Vs Xorgoble qardho, waxaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday xaafada Laanta hawada Boosaaso oo ka hartay Tartanka iyo Xaafada Xorgoble Qardho oo u soo baxday.

Dhibcaha: Laanta Hawada Boosaaso 11-14 Xorgoble Qardho

Ka dib tartankaasi oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa daqiiqado ka dib bilaabatay tartanka Xaafadaha Raf iyo raaxo Boosaaso Vs Qoryacad Qardho.

Tartankaasi ayaa waxaa iyana ku soo baxday xaafada Qoryacad Qardho halka xaafada Raf iyo raaxo Boosaaso ay ka hartay tartanka .

Sidaasi waxaa wareega sedaxaad ee Tartanka Kediska SBC u taagan 6da xaafadood ee kala ah.

Xaafada Biyo Kulule Boosaaso
Xaafada Hodan Garoowe
Xaafada Waaberi Garoowe
Xaafada Qoryacad Qardho
Xaafada Xingood Qardho
Xaafada Xorgoble Qardho

6dani Xaafadood ayaa waxaa lagu wadaa in qori tuur loo sameeyo Hadii alle Idmo Maalinta Berito ah 9:30 subaxnimo xiliga Geyska Africa

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

    Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com