Wareega 12ka xaafadood ee Kediska Ramadaanka SBC oo Caawa Soo gaba gaboobay

Caawa tartanka Kediska Ramadaanka SBC waxa uu galay Habeenkii 3aad ee is araga 12ka xaafadood ee u soo baxay Tartanka.

Waxa kulmay 4 xaafadood oo ka tirsan 12ka xaafadood ee soo baxay waxaana ka mid ahaa kulanka Xaafada Xorgoble Qardho Vs Goljano Waaciye, Waxaanu kulankaasi ku soo gaba gaboobay oo guushiina ay raacday Xaafada  Xorgoble Qardho oo la timid Dhibco dhan 16 halka xaafada kale ee Waaciye ay la timid 12.

Qeybta labaad ayaa  waxaa iyana fooda isdaray labada xaafadood ee kale waa  Kaambo Qardho Vs Golis Baran, Waxaana kulankaasi oo xiiso badan lahaa uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada Golis Baran oo la timid dhibco dhan 16 halka Xaafada Kaambo ay la timid 14 DHibic.

Waxaa halkaasi Caawa ku soo gaba gaboobay kulamadii 12ka xaafad ee u soo baxay Wareegan, waxaana loo guda galayaa wareega 6da xaafadood oo ay u soo bexeen xaafadaha kala ah,
Xaafada Golis, Baran
Xaafada Laanta hawada, Boosaaso
Xaafada Laanbarwaaqo, Uffeyn
Xaafada Qoryacad ,Qardho
Xaafada Xorgoble, Qardho
Xaafada Xingood, Qardho .

Waxaana Xaafadahani Habeen dambe Hadii uu Alle Idmo loo qaban doonaa kulan ay ku kala qaadanayaan Qorituurka si ay iskugu aadaan.

Daalacatey :899

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print