Tartanka ciyaraha Gobolada Puntland ee 6aad  ayaa maalintii labaad galay iyadoomaantana ay ku hardameen afar koxood oo ka kala socday Gobolada hayland karkar iyo Mudug iyo Sool oo kawarada Tirsan gurubada A iyo B

Ciyaarta ayaa waxaa lagu bilaabay Gobolada Mudug iyo Sool oo kawada tirsan group B taas oo ay soo xaadireen taageerayaal aad u badnaa ookala tagerayay labada koxood, iyadoo ay ciyaartu ku bilamatay jawi degan oo markii hore ay labada koxood ay u muuqdeen kuwa kala baqaya balse ciyaarta waxaa wax ka badalay ciyaartooyda afka hore uga ciyara Gobolka Mudug oo qaybtii hore marka ay maraysay 32 daqiiqo ku hubsaday labo gool oo deg geda shabaqa Gobolka Sool taas oo lagu kala nastay Labo iyo Eber oo ay ku hogaminaysay ciyaarta gobolka Mudug.

Qaybtii danbe ayaa Ciyaartowda kooxda gobolka Sool ay la soo baxeen Ciyaar weerar wadata waxaana ay u suurto gashay in ay dhaliyaan gool oo ciyaarta ka dhigtay labo iyo Hal gool, inkasto aysan u saamixin ciyaartowda Sool in ay iska soo gudaan goosha kale waxaana ay sidaasi guushu ku raacday Gobolka mudug oo kuna badiyay  2 gool,

Ciyaartu inta ay socotay waxaa Labo ka mida Ciyaartowda Goboblka Sool laga siiyay Kaarka Cas ee loo yaqaan Roose kadib markii ay qalad galeen
Ciyarihii kale oo xiisaha Badnaa ayaa waxaa ay ahayeen gobolada karkar iyo Hayland oo ka tirsan Group A oo soo bandhigay Ciyar soo jiidatay tageerayaasha labada Koxood waxaana ciyaru ku soo idlaatay labo gool iyo gool oo guushu ku raacday Gobolka karkaar.

















Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe