Bulsha kasta oo ku dhaqan Caalamka aynu ku noolnahay, waxa ay leedahay maalin u asteysan oo ay sanadkiiba mar u dabaal degaan, Umadda Reer Puntlandna waxay leeyihiin maalinta 1-da August oo ay u dabaal degaan.

Magaalooyinka waaweyn ee Maamulka Puntland gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee Garoowe waxa ka soconaya u diyaar garowga u dabaal dega maalintaas oo ah maalin ku weyn umadda reer Puntland.

Qaar Kamid Ah Shacabka Garowe Oo la Hadlayay SBC ayaa Soo Dhaweeyayu diyaar garowga Munaasibadda Weyn Ee Aas Aaska Puntland Oo Ay Naga Xigto mudo Shan cisho Ah.

Madaxda iyo Shacabka Puntland ayaa la filayaa iney isugu hambalyeeyaan Xafladda Sandguurada Aas Aaska Puntland, Oo Aheyd xiligii la unkay 1998.

Puntland Ayaa Sanadkan Udabaal Dagaysa Sanadguuradeedii 17-aad ee ka soo wareegtay markii Dhidibadda Loo taagay.

Hoos Ka dhageyso: