Doorashada_Jubbaland_12
Warar Dheerad ah waxay ka Soo baxayana Doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubaland Oo maanta Loogu Dhawaqay inuu No0qdo Axmed  Maxamed Islam (Axmed madoobe) Oo Ah gudoomiyaha Ururka Raskanboonui kana mid Ahaa Musharaxinta Xilka Madaxweynaha isu soo taabay ee 6da ahaa.
Doorashada_Jubbaland_7

Shirka Mudada Ka Socdey Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose Oo lagu Soo Dooranayey Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa Loogu Guulaystey in maanta Ergada Ku dhawaqaan Axmed Madoobe Oo ka Mida Madaxda Magaalada Kismaayo Taarikhda Kala Duwan ku Leh.
Doorashada_Jubbaland_8
Aroornimadii saka Ayaa  Jaamacada Kismaayo waxaa Doorashada Jubaland Ku tar tamayey Musharaxin Badan oo gaaraya 6 siyaasi , Waxana Lagu Dhawaqay inuu Ku Guulaystey Hogamaiyaha Axmed Madoobe, iyadoo doorashaduna u dhacday Qaab Gacan taag ah .
Doorashada_Jubbaland_11

Ergadii ayaa si rasmi ah u dooratay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe inuu noqdo madaxweynaha dawlad deegaanka Juballand ee dalka Soomaaliya. Sheekh Axmed Maxamed Islaam ayaa helay 495 cod oo ka tirsanaa 500 ee Ergay ee xaadirka ahaa wuxuuna noqonaya madaxweynaha dawladda cusub ee Jubaland

Waxaa isla goobtaas lagu dhaariyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyagoo ku dhaartay in xilka cusub ee loo doortay ay uga soo dhalaali doonaan sidii ugu wanaagsaneyd kana digtoonaan doonaan waxyaabaha kala qobqobka keenikara.
Doorashada_Jubbaland_13
Guud ahan Bulshada Gobolka Jubada Hoose ayaa Siweyn u Soo Dhaweeyay Doorashada Loogu Doortay Axmed Madoobe Inuu Noqdo madaxweynaha Maamulka Jubaland waxaana dabaal deg iyo farxad aad u balaaran muujiyay dadweynaha Magaalada Kismaayo, iyagoo gaadiidka ciidanka iyo Calamaba lulalyay.
Doorashada_Jubbaland_14
Madaxweynaha Cusub ee loo magacaabay Xilka Jubaland xiligani Caqabado badan ayaa  Horyaala taa soo loo baahan yahay in uu kaga talaabsado Karti.

Maalinti Shalay Waxa Magaalada Kismaayo laga Celiyey Wafdi Xilshibaano iyo Odayala Ku Soo Jeedey magaalada Kismayao iyadoona Taasi Aragti Fog ka Bixayso  kala Fogaanshaha Siyaasda Dowlada Ee  Maamulka Jubaland.

Waxana Laga Sugaya Wada Hadlo cusub Iyo Siyasad Fur furan Inuu Ku Qaabilo Dowlada faderalka Soomaaliya Taasi Oo Dadka Badankooda Sheegayaan Inaysan Si Dhaqso ku suugaro galayn.

Sidoo kale xiligani qaar ka Mida wax Garadka Shirka Aya Ka Baxay Doorashada isla Markaasina Sheegaya Inaysan doorashada Ku Qancayn madama Aysan waxba Kala Socon Doorashada.
DSC02692

Mohamed Abdulahi (Shine)
Nairobi Kenya