Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa kulamo kala duwan wuxuu halkaasi kula yeeshay Ra’isalwasaaraha DKMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), wasiiru dawladaha arimaha dibada Talyaaniga Alfredo Mantica, & wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland oo SBC la soo gaarsiiyey ayaa waxaa lagu faahfaahiyey kulamadaasi Madaxweynuhu la yeeshay xubnahaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wafdiga Puntland ee madaxweynuhu hogaaminayo ay ka ambabaxeen magaalada Garoowe 8-dii bishan July isla markaana magaalada Nairobi gaareen, halkaasi oo uu madaxweynuhu kula kulmay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya isla markaana ay qada qaateen casho sharaf gaar ah.

Labada hogaamiye ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka waxay ka wadahadleen arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xukuumada cusub ee la soo dhisayo, shirka wadatashiga qaranka Soomaaliya ee la filayo, dhameystirka dastuurka qabyada ah & waliba kor u qaadida xiriirka u dhaxeeya Puntland & dawlada FKMG.

Maalinimadii Axada wuxuu madaxweyne Faroole kula kulmay Nairobi wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Augustine Mahiga, kulankaasi waxaa ku wehliyey  madaxweynaha wasiirka Dekada Siciid Maxamed Raage, Wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), wasiiru dawlaha xiriirka caalamiga ah C/qaadir Cabdi Xaashi, & wakiilka xafiiska Puntland ee Nairobi Maxamed Xasan Barre.

Kulankaasi waxaa lagu sooq aaday arimo ay mid yihiin shirka qaran ee wadatashiga Soomaaliya, dhameystirka dastuurka qabyada ah & xoojinta xiriirka hay’adaha qaramada midoobay & dawlada Puntland.

Isla maalinimadii Axada wuxuu Madaxweynaha Puntland kulan la qaarey wafdi sare oo ka socdey dawlada Talyaaniga oo uu hogaaminayey wasiiro dawlaha arimaha dibada Talyaaniga

Alfredo Mantica, waxaana kulankanu u la xiriiray socdaal uu madaxweyne Faroole ku tagey wadanka Talyaaniga bishii March ee sanadkan 2011.

DAAWO SAWIRADA

Keyse Caamir
SBC International