Warbixin iyo Sawiro ku ssaabsan xuska maalinta AIDS-ka aduunka

TIDES   ayaa waxay qabatay  xuska maalinta AIDS-ka 1December2012  aduunka   taas lagu qabtay magaalada garowe   xuskaas waxaa subaxnimada  socod laga soo bilaabay  hotel curuba ee dhinaca bari ee magaalada  halkaas oo ay si wada jir ah  socdka ku soo mareen   socodkaas oo ay hurmuud u ahaayeen   hay’ada  xakamaynta AIDS-ka Puntland ee PAC , hay’ada IOM   dhalinyarada  isboortiga ee xaafadaha  horseed ,wadajir, iyo hantiwadaag  barakacayaasha magaalada ee xaafada Jowle iyo Shabeele , ardeyda machadka caafimaadka ee Xaaji Cabdi, hay’ada bisha cas iyo TIDES  oo ahayd ururkii soo qaban qaabiyey  xuska  ayada oo gacan ka helaysa  hay’ada  IOM

Waxaa galbinayey  basas ay ku xiran yihiin boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo  lagu tilmaamayo ciribtirka  HIV/AIDS  ee Puntland  hadaba waxaa  socodkaas lagu gaaray  dhinaca dambe UN ka ama buundada

Waxaas halkaas laga soo bilaabay socod lug ah  kaas oo magaalada lagu dhex maray  ayada oo ay isticmaalayeen codbaahiyaan dadka loogu sheegayey  inay iska ilaaliyaan aafada HIV/AIDS.

Waxaa galinka dambe xaflad lagu qabtay   Jawle IDP camp

Holka child fried space ee ay dhistay save children  xafladaas oo ay ka soo qayb galeen:-

·        IOM
·        Dowlada hoose
·        UNAIDS
·        PAC
·        Barkacayaasha
·        Dhalinyarada sboortiga xaafadaha magaaalada

Ugu horayn waxaa xadlada furay oo ka hadlay  Kamaal daahir  oo ka mid ah saraakiisha TIDES  kaas oo ka hadlay tides iyo waxa ay bushada u hayso khaasatan barakacayaasha  waxuyaabaha ay uqabatay  tides iyo  muhiimada ay u leedahay malintaani dadka barakacayaasha ah

Waxaa hadlkii qaatay Cabdirashiid dabayle qore oo ah madaxa arimaha bulshada ee dowlada hoose  kaas oo umahad celiyey tides iyo cidii kala qaybqaadatay xafladaan qiimaha badan  kuna  nuuxnuuxsaday   faaiidada ay faya dhowrku u leeyahay dadka barakacayaasha ah iyo bulshada reer garoowe  iyo in ay waxbadan laga qabtay nadafada  iyo faya dhowrka  barakacayaasha  wuxuuna ka codsaday  ha’yadaha inay hada diirada saraan sidii looga wacyi galin khatarta HIV/AIDS  asaga oo aad ugu dheeraaday arintaas.

Waxaa isna hadlka qaatay Xuseen Xasan oo ka tirsan hayada  IOM  oo taageeraysay  barnaamijkaan  kaas isnamahadcelin kadib,   muhiimada ay siinayaan dadka soo barakacay iyo waxyaabaha ay u qabteen  iyo  hada inay wali garabtaagan yihiin.

Sidoo kale waxaa isna hadalka qaatay  Dr Axmed Ismaaciil  oo ahaa wakiilka uga qayb galay xaflada hayada UNAIDS   isaga oo ka hadlay  taariikhda aydhiska  iyo dhibaatada uu aduunka ku hayo   iyo sida laysaga ilaalin karo  ama sida lagu kala qaado  iyo calaamadaha lagu garan karo  qofka uu asiibo farayska HIV  siduu yeeli lahaa ama halkii beegsan lahaa.

Intaas kadib waxaa riwaayad soo bandhigay  tides oo ay ahayd ururka soo qabaqaabiyey xaflada  riwaayadaas   ka turjumaysay  sida loola dhaqmi lahaa qofka qaba HIV/Aids  iyo inaan la takoorin , ama ay bulshadu si wanaagsan ula dhaqanto.

Waxaa gababadii  qaatay hadalka  sharmaake oo ahaa wakiilka uga qayb galay hay’ada PAC   kaas ka hadlay  xilligaan la joogo inta uu marayo faafida HIV/AIDS –ka iyo marxaladihii uusoo maray  iyo wixii laga qabtay   maadaama ay PAC tahay  haayada  puntland u qaabislan  xakamaynta aydhiska  waxaana  islamaarkaasna  xafaladii soo xiray   oo soo  gabagabeeyey








.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print