Dalkan Shiinaha waxaa wax ka barta arday aad u fara badan oo Soomaali ah kuwaasi oo kala barta kuliyado kala gadisan oo ay ka mid yihiin Medicine Cafimaadka Ama ,Engneering , Aconomic iyo Kuliyada Luqadaha Aduunka lagu hadlo,

Sanadkan ayaa waxaa dalkan shiinaha ka qalan jibiyey dufcadii ugu horaysay ee arday Soomaali ah kuwaasi oo ka qalin jibiyey kuliyadaha Medicine-ka iyo Talecomunication Engeering-ka .

Dalka Shiinaha ayaa aad u soo dhaweeyey  arday badan oo Soomaali ah kuwaasi oo rajo wayn ka qaba in ay mustaqbalkooda waxbarasho ay ku dhisaan Dalka China.

C/qaadir Siciid Cali (Gaani) Waa mid ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee ka wax ka barta Dalkaasi China, waxaanu C/qaadir ka mid yahay Bahda Saxaafada Soomaaliyeed isagoo dalkasi ka barta Saxaafada, waxana uu u waramay SBC International.

C/qaadir Gaani ayaa faah faahin ka bixiyay Marxaladaha kala duwan ee waxbarasho ee dalka China isagoona sheegay in China ay ka mid tahay wadamada sida weyn ugu haboon waxbarashada islamarkaana ku jirta kaalinta labaad ee wadamada ugu wanaagsan waxbarashada caalamka.

Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay xaaladaha kala duwanaanshaha dhinacyada Cilimada, Cuntada iyo weliba dhaqanka umada Soomaaliyeed iyo umada dalka China, isagoo soo qaadanaya dhanka cimilada ayuu sheegay in cimiladu ay tahay mid kala duwan oo xiliba loogudagalo cilimo, sida xili ay cimiladu tahay dhex dhaxaad iyo xili ay tahay Baraf ama Qabow,

Marka la eego dhanka dhaqamada kala duwan iyo isfahanka Ardayda Soomaaliyeed iyo weliba mushtamaca shiineeska ayuu sheegay C/qaaadir in ay waxyaabo badan isku fahmaan inkastoo aysan isku fahmin dhinacyada cunada iyo luuqada, iyadoo la ogsoonyahay in dalka China aan badi lagu hadalin luuqada caalamku lagu isticmaali badan yahay ee English-ka.

Waxa uu soo qaatay in xiliyadii ugu horeysay ee uu dalkaasi tagay uu galay goob laga cunteeyo balse uu garan waayay cuno uu dalbado, maadaama cunooyinka dalkaasi laga adeegsado aan la mid aheyn kuwa Soomaalidu cunto.

Sikastaba ha ahaatee mushtamaca ugu badan ee ajaaniib ah ee kudhaqan dalkaasi China ayaa la sheegaa in ay yihiin dadka Soomaaliyeed kuwaas oo u badan dad iyagu halkaasi u jooga Qaab waxbarasho marka laga eego dhanka waxbarashada.

Taasi ayaa waxaa fududeeyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaasi ka furay xafiisyo lagu sameeyay fursadaha waxbarasho oo qofwalboo arday ah oo doonaya in uu wax ka barto gudaha dalkaasi China, waxaana dhalinyaradaasi ka mid ah C/qaadir Gaani, sida uu noo xaqiijiyay.

Isku so wada duub dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya in ay waxbarashadooda hormariyaan ayaa ah kuwo meelkasta oo aduunka ka mid ah u taga si ay wax u bartaan dalka iyo dadkoodana u anfacaan.

SAwiro




C/qaadir Siciid Cali Gaani
SBC International Wuhan China
Gaani120@gmail.com
gaani18@hotmail.com
Tell: 008613554548157