Magaalooyinka kala duwan ee wadanka Isku taga Imaaradka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai oo ah caasimada labaad waxay caan ku tahay ganacsiga & dalxiiska, Dubai waa  goob loo soo nasasho iyo dalxiis tago sanad kasta, iyadoo kumaan kun oo qof oo dalxiisayaal dunida dacaladeeda ka yimaada ay sanad kasta booqdaan magaaladaasi.

Hadaba Dubai  waxaa ay isku xirtaa ganacsiga calaamiga ah ee  wadamada ee bariga fog ee Aasiya sida Shiinaha, Carabta, Afrika & waliba Yurub waana magaalo xeebeed aad uqurux badan  wax soosarkeeda  waxaa ay ku hormarsantahay warshadaha ,waxaa kaloo ay leedahay warashado ama Ceelal fara badan oo soo saara  saliida ama batroolka taasi oo ah  horurka guud ahaan wadankaasi uu gaarey gaar ahaan magaalada Dubai.

Dhab ahaantii wadan yar oo qaniya waxaa ka dareemi kartaa dhismooyinka uu guud ahaan wadankaasi caanka ku yahay, gaar ahaan magaalada Dubia, iyadoo magaalada Abu Dubai ay sidoo kale magaalada caasimada u ah wadankaasi ee si la mid ah Dubai aad u horumarsan isla markaana ganacsi baaxad weyn aduunka la leh.

Dubai waxaa ku nool waxay u badan yihiin  dadka ajaniibta ah,  dadka udhashay wadanka  badanaa kuma nagadan waxaa ay qabtaan wadmada kalo ee duunka & waliba magaalooyinka kale ee dalka, waxaa badanaa lugu soo bandhigaa Dibai aflaamta Hindida ah  ee ay Soomalidu aadka u  xiiseyaan.

Magaalada Dubai waxaa yimaada dad  badan isla markaasina  ka kala yimada dacalada caalamka  runahaantii magalada Dubai, dhanka Soomaalida magaalada Dubai waxay u leedahay muhiimad aad u balaaran gaar ahaan dhinaca ganacsiga & safarada, iyadoo magaalooyinka waa weyn ee dekadaha leh ee Soomaaliya ganacsigooda dhinaca badda & cirka uu aad ugu xiran yahay magaalada Dubia, sidoo kale waxay xarun u tahay shirkadaha diyaaradaha taasi oo qayb ka qaadatey isku xirka safarada Soomaaliya &  aduunka, taasina waxaa u sii dheer shirkadaha xawaaladaha oo xarumo waa weyn ku leh magaaladaasi, iyo waliba dukaamo & goobo ganacsi oo fara badan oo ay halkaasi ku leeyihiin dad Soomaali ah.
Dubai waxaa  ay can kutahay ganacsiga sida iibgeynta  suuqyada xorta ah waxayna aad ugu gancasadaan  sida waxayabaha muhiinka ah.

Dadka ajanabiga ah ee wadankaasi ka shaqeysta waxaa ugu badan dad u dhashay wadamada Aasiya & wadamada kale ee qaranka, waxaase u badan Hindida, Bangladesh, iyadoo Soomaalidu ay ka mid tahay dadka aadka u faraha badan ee ajanabiga ah ee dalkaasi ka shaqeysta.

Soomaali badan ayaa maalgashi dhinaca dhismayaasha & warshadaha wadankaasi gaar ahaan magaalada Dubai ka hirgaliyey, taasi oo wax soo saarkooda u iibgeeya Soomaaliya & wadamada kale ee gobolka.
Soomaalida ganacsigoodu ku xiran yahay wadankaasi waxay ku qabaan dhibaato dhanka safarka, iyagoo adeegsada baasabooro shisheeye maadama baasaboorka Soomaaliga aan lagu tagi karin wadankaasi oo aan la heli karin Visaha ama dal ku galka ah.

Qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah ayaa baasaboorada ay u badan yihiin waxaa ka mid ah Jibuutiyaan, Itoobiyaan, Kenyaati & wadamo kale, kuwaasi oo la siiyo ilaa 15 cisho iyo wiixi ka badan oo dal ku gal ama Viso ah.

Soomaalida qaarkeed waxay ka ganacsadaan inay ka xoogsadaan dekadaha & garoomada diyaaradaha.
Ganacsiga Soomaalida ee magaalada Dubai ku xiran waxaa ka mid xoolaha nool, dhuxusha & biraha baabuurta, iyadoo ganacsatadu marka ay doonyo ama maraakiib alaab ku raraan oo ay geeyaan dekadaha Soomaaliya dib gaadiid badeedkasi ugu soo rara xoolaha nool sida Geella, Ariga & waliba Lo’da, Dhuxusha & biraha gawaarida ee loo yaqaan Srcab-ka, waxaa jira shirkado shisheeye oo si weyn isha ugu haya waxyaabaha laga soo dhoofiyo Soomaaliya sida macdanta.

Somaliada ku nool   Dubai  ku wooda jeebka yar ee an awood u heli karin kirada guryaha qaaliga ah waxay kireystaan guri qiimaha bishii uu gaarayo  $170  USD,  wana qol run tii dhumucdiisa uu qadayo  laba sariir inkastoona loo agoleen qof sadxaad  ?

Wadanka Isu taga Imaaraadka Carabta  luguma soo gali karo sharciyada yaryar sida kuwa laga bixiya Yurub (Travel Docoments) ee la siiya dad qaxootinimada loo qaabilo waxaa lugu imam karayaa oo kaliya basaboorada rasmiga ah ee wadamada markasina aad  u dalbaneysid  Visa shuroodaha la iska doonayo ayaa waxaa ay yihiin kuwo aad  u adag qof dhowraya sharciga oo u sahlan yahay?

Dadka ka howgalo qeybta  socdaalda dalka  isku taga imaaradka Carabta gaar ahaan garoonka magaalada Duabi waa dad ajaaniib ah isla markaasina lugu kalsoonyahay hawlaha ay ka wadaan garoonka Dubai wana wadanka aan si sahlan loogu soo bixi karin safarka dhinaciisa oo su’aalo badan ay ka jiraan, waliba dadka Soomaalida oo looga cabsi qabo sharciyo macmal ah ayaa dhibaato qaarkood kala kulmaan, waxaana dadka sharciyada been abuurka wataa ay la kulmaan in la celiyo Soomaali ama wadamo kale ha u dhashaane.

Soomaali badan oo wadadta sharciyo been abuur ah ayaa dib loo gu celiyaa eelaboorda calmiga ah ee dubay makasina waxaa loo masaa furiyaa soomali ,iyo waliba halkey duulimaadkoodu oo ka yimid

Daka Soomaamlida ee ka ganacsada Dubai waxaa ay ku xiran yihiin tujaariin Carbeed oo markasina ka dalbada Soomaaliya wax loogu bahdo sida SISINTA,GALEYDA. MUUSKAAka,iyo wxii la mid ah.

Jiidaal114@hotmail.com
Bashka xaaji
LLPP JEENYO