Wararka ugu danbeeyay ee ku saabsna Doorashada Dalka ee warbaahinta SBC idiin hayso waxaa ka mid ah 3 ka mid ah musharaxiinta xilka madatinimada oo iska casilay Musharaxnimadoodi Madaxtinimada Dalka

Musharaxiinta Tanaasulay ayaa kala ah Xuseen Khaliif Jaamac
Bashiir Nuur Xasan Nuur Bidaar iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame kuwaas oo sheegay inay waqtiga uga faaiideynayaa Musharaxiinta Kale

Xilligan oo saacada Soomaaliya ay tahay 1-dii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah waxaa dhamaan masuliyiinta ka qeybgalaysay Doorashada ay aadeen Xilligii salaada Duhur iyo Qado ka dibna waxaa dib u bilaaban doonta Doorashada Madaxweynaha soomaaliya

Dhinaca kale intii lagu jiray Fadhiga baarlamaanka Dalka soomaaliya waxaa Baarlamaanka Dalka uu cod ku aqabalay 20 Xildhibaan oo horey loo diiday kuwaasi oo lagu eedeyay Hogaamiyaal Kooxeedyo.

Buqa iyo Sawaxan Arintaas ka dhashay ayaa sababay in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay iskaga Baxaan hoolka iskasta oo markii danbe Arintaas  la xaliyay waxaana xildhibaanadaas lagu dhaariyay Muqdisho

SBC International Monitoring