Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Boohoodle ee gobolka Cayn ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada iyo deegaanada ku xeeran, iyagoo kula wareegay ka dib dagaal saaka waaberigii ay la galeen dadka deegaanka oo isku dayey inay iska difaacaan weerarka ciidamada maamulka Somaliland.

Warar SBC ka helayso ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay adeegsanayaan gaadiidka dagaalka waxaana ay jiireen difaacii magaalada waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Duulaanka ciidamada Somaliland ku soo qaadeen degmada Buuhoodle ayaa ku soo aadaya iyadoo guud ahaan xaley saqdii dhexe ay hawada ka baxdey isgaarsiinta gobolada Sool, Sanaag & Cayn, taasi oo loo sababaynayo duulaanka ciidamada Somaliland.

Isgaariinta gobolada SSC ayaa 80% ka timaada dhanka magaalada Hargeysa iyo gobolada kale ee Somaliland, waxaana jira warar sheegaya in maamulka Somaliland uu ku amray madaxda shirkadaha Isgaarsiinta in la jaro guud ahaan Isgaarsiinta gobolada SSC.

Xaaladan dagaal iyo weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu shaley si ba’an u dhaliilay shirka Khaatumo2 ee ka soconaya magaalada Taleex, shirkaasi oo uu ku tilmaamay waa sida hadalka uu dhigaye mid carqalad lagu galinayo xasiloonida iyo amaanka Somaliland.

SBC ayaa ogaatey in ujeedada ciidamada Somaliland u weerareen Buuhoodle ay tahay sidii u xanibi lahaayeen socodka iyo dhaqdhaqaqa ergooyinka shirka Taleex ka qayb galaya, maadama Buuhoodle ay tahay halka ay ka soo degeen xubnaha ay ka midka yihiin Cali Khaliif Galeyr ee shirkaasi ka qayb qaadanaya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan duulaanka colaadeed ee ciidamada Somaliland ku soo qaadeen degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn

Wixii warar ah ee xaaladan ka soo kordha kala soco SBC Online.