Iyadoo sidii aad kula socoteen wararka maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax aad u culus oo ay ku geeriyoodeen dad daraasiin gaaraya intaasi in ka badana ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa soo baxaya wararka & faahfaahinta dheeraadka ah ee qaraxaasi .

Tirada Dhimasha & Dhaawaca:

Dadka ku dhintey qaraxaasi ayaa tiradoodu sii kordhaysaa iyadoo saacadba saacada ka dambeysa la soo sheegayo in dad dhaawacyo qaba ay u geeriyoodeen dhaawacyadaasi halista ah ee ka soo gaaray qaraxaasi.

Ilaa iyo haatan waxay tirada dhimashadu mareysaa 94 qof waxaana dhaawacu uu gaarayaa 200 qof iyadoo dadka dhaawaca ah ay qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah oo ay ku jiraan koomo halka kuwa kalena jirkoodu uu gubtey.

Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa la ciirciiraya dhaawacyada waxaana mashquul & saxmadi ay ka muuqataa guud ahaan goobaha caafimaadka ee magaalada waxaana la soo sheegayaa in Isbitaaladu ay ka cabanayaan dadka dhaawacyada ah oo qaarkood aanay waxba kaga qaban karin dalka.

Qaraxan oo ahaa mid ka duwan qaraxyadii hore

Qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuu aad uga duwanaa qaraxyadii ka dhici jirey magaalada ee ay gaystaan kooxaha ka soo horjeeda dawlada gaar ahaan xoogaga Shabaabka.

Qaraxan oo ahaa mid Ismiidaamin ah oo qofka fuliyey uu naftiisa biimbeeyey waxaa loo adeegsadey baabuur weyn gaar ahaan nooca NISSAN DIESEL (UD) oo ay Soomaalidu u taqaan Waarad, baaxada gaariga oo aheyd mid weyn waxay ka dhigantahay in uu sidey wax ka badan qaraxyadii hore qalabkii loo adeegsan jirey, kuwaasi oo gawaari yar yar gaar ahaan kuwa raaxada loo adeegsan jirey.

Quwada qaraxu uu laha, qasaaraha uu geystey, dhawaaqa ama dayaankiisa oo laga maqlayey guud ahaan magaalada Muqdisho waxay ka dhigan tahay in qalab aad u culus ah ay ka buuxeen gaarigaasi iyadoo waxyaabaha qarxa & kuwa saacida ee baabuurkaasi ka buuxay lagu sheegay biro, rasaas, gumaca madaafiicda, biraha baabuurta, masaabiiir, boolal, fuuqaqa rasaasta & waxyaabo kale.

Kiimiko lagu sheegay inay ka mid aheyd waxyaabaha qaraxa loo adeegsadey

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa ku hawlan dabiibka dadka dhaawacyada ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in qaraxaasi uu xambaarsanaa waxyaabo ku cusub qaraxyada dadka dhaawaca ahna jirkoodu uu gubtey oo hilibkoodu bislaadey, sidoo kale dadka dhintey ayaa waxaa la sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay gubteen oo lafahoodu togmeen.

Balse dad ku xeel dheer arimaha military-ga gaar ahaan miinooyinka ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin  in qarax kasta oo dhaca uu leeyahay saameyn dhinac kasta ahna, waxaana ay sheegeen in miinooyinku oo ay dhici karto in qalabkooda loo adeegsadey qaraxa taasi oo sababaysa in bini’aadam kasta oo uu saameeyo siyaabo kala duwan u waxyeelaynayo sida gubashada & dhaawacyo daran.

In qaraxaasi document laga helo oo meesha laga saaray

Quburada arimaha waxyaabaha ku takhasusay ayaa sheegay in ay tahay wax aan dhici karin in document noocuu doonee ha aahaadee aanay macquul aheyn in laga dhex heli karo qaraxaasi, waxaana ay sheegeen in baabuurkii qaraxaasi lagu fuliyey, kuwii ag dhawaa iyo waliba dhismeyaal dhawr dabaq ka koobnaa ay noqdeen kuwa waxyeelo xoogani ka soo gaartey ayna tahay wax aan dhici karin in baasaboor laga helo gaarigaasi dhexdiisa sida ay sheegtey dawlada KMG Soomaaliya.

Saxafiyiinta ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in baabuurkii qaraxaasi lagu fuliyey uu gabi ahaanba baaba’ay oo ay ka hartey birta loo yaqaan laangaroonaha ee isku xirta biraha kale ee baabuurka.

SAWIRADA DAAWO~
 

Hanad Cabdulaahi Xasan (Wareergooye)
Xafiiska wararka SBC ee London