Waxaa maanta la soo gabeeyey wajigii koowaad ee shirka wadatashiga arrimaha Soomaaliya kaasi oo ay ka soo qayb galeen dawlada KMG Soomaaliya, Maamulada Galmudug, Puntland & Ahlu Sunna Wal-Jameeca.

Shirkan oo maanta ka dhacay xeradii hore ee Xalane oo ay degan yihiin ciidamada AMISOM ayaa waxaa laga soo saaray dhisme afar gudi oo sii ambaqaada ajandayaasha shirka.

Afarta gudi oo kala ah Gudiga Dib u Heshiisiinta, Gudiga Ammaanka, Gudiga Dowlad wanaaga iyo Gudiga Diyaarinta Dastuurka lagu magacaabay shirka maanta.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka wada tashiga, waxaana la filyaa  inay ergada ka shirka ka qayb galeysa ka soo saaraan qodobada & nuxurka waxa ay isku afgartaan, gaar ahaan qorshe hawleedka dawlada mudada sanadka ah.

Axmed Aar
SBC Muqdisho