Laamaha qaabilsan saadasha hawada & qabiirada masiibooyinka dabiiciga ah ayaa ka digay duufaan xoogan oo la filayo in caawa saqda dhexe ay soo gaarto qaybo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan roobab & dabelyo xoogan oo ay duufan wadato.

Duufaantan oo lagu magacaabo Four Cyclone (Duufaanka afar) wuxuu ka soo wajahayaa Soomaaliya dhanka badweynta Hindiya, isagoo xoogiisu ku soo aadanm yahay gobolada Nugaal, Mudug & Galgduud, waxaase jira cabsi laga qabo in gobolka Bari ay duufaanti gaarto.

Sida ay muujiyaan muuqaladii ugu dambeeyey ee dhanka Satellite-ka lagu qaaday waxaa duufaantan ku socotaa xawaare gaaraya 80 KM saacadii iyadoo roobab ka soo horeeya duufaanka laga filayo in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay ka bilowdaan galinka dambe ee maanta (Isniin), warar hada na soo gaarey ayaa sheegaya in qaybo ka tirsan gobolka Bari laga soo sheegayo roobab xoogan oo bilowdey kuwaasi oo dabely wata.

Duuaankan Four Cyclone hadii aanay wax iska badalin xawaaraha uu leeyahay iyo xawliga uu ku socdo waxaa culimda dhanka Science-ku leeyihiin wuxuu xitaa ka gudbi karaa Soomaaliya, iyadoo dhanka Itoobiya ay u dhaafi doonto Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee dhanka saadasha hawada ayaa sheegaya in duufaankan la filayo in uu dharbaaxo Soomaaliya caawa saqda dhexe waqtiga Soomaaliya 3-da habeenimo ee galinka dambe, inkastoo xoogeedu uu bilaabanayo 6-da aroorsnimo ee Talaadada 25-ka December 2012.

 Warar dheeraad ah oo la xiriira duufaankan kus oo wajahan Soomaaliya kala soco SBC Online insha ALAAH.

SBC NEWS DESK