(Digniin sawiro naxdin leh kuma haboona inay daawadaan caruurta 15 sano ka yar, haweenka uurka leh & dadka qalbiga Jilicsan), warbixintan waxaan ku eegaynaa

Khasaaraha dhimashada & dhaawaca
Goobaha kala qabsadey
Taangi laga gubay ciidamada AMISOM
Meydad ciidamada AMISOM oo la soo bandhigay
Goobaha Shabaabka laga qabsadey
Saraakiisha labada dhinaca & warar kale

Dagaalo aad u culus oo geystey khasaare naf & maal isagu jira ayaa 24-kii saac ee loo dhaafey ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo ka dhashay weerar lama filaan ah oo ay ciidamada Dawlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOm ay ku ekeeyeen fariisimada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Wardhiigley, Yaaqdiishiid & Boondheere.

Dhimashada & dhaawaca

Khasaaraha dhimashada & dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 30 qof halka ay ku dhaawacmeen 50 kale waxaana dadka dhintey & kuwa dhaawacmabyba ay u badnaayeen dhinacyadii dagaalamayey, waxaase jira khasaare caynkaasi oo sidoo kale soo gaarey dad rayid ah oo aan lug ku laheyn dirirta kuwaasi oo ay ugu tagaeen goobihii ay ku sugnaayeen madaafiic si aan loo meel dayin loo ridey, rasaas wiifto ah iyo madaafiic kale oo jiho wareertey.

Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ee dadka rayidka waxaa kale oo sii kordhiyay ka gadaal markii ciidamada AMISOM ay xaley madaafiic aan loo aabo yeelin ku asqaysiiyeen xaafadaha Huriwa, Suuqa Xoolaha & waliba xerada Maslax oo ah xarunta ciidan ee ugu weyn ee xoogaga Shabaabka.

Saraakiisha ciidamada dawlada KMG Soomaaliya & kuwa AMISOM waxay sheegeen in ay jug culus oo khasaare dhimasho, dhaawac & goobo ay ka qabsadeen u geysteen kooxda Al-Shabaab waxaana ay sheegeen inay ka qabsadeen dhulbaaxadiisu gaarsiisan tahay 4 km.

Abaanduulaha ciidamada dawlada KMG Jeneral C/kariim Dhagobadan ayaa sheegay in ay jab culus u geysteen Al-Shabaab waxaana uu ku goodiyey inay ka saari doonan guud ahaan magaalada Muqdisho inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan.

Dhinaca kale afhayeenka dhanka hawlgalada Shabaabka Sheekh C/caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkii shalay lagu soo qaaday ay iska caabiyeen ayna ciidamo  fara badan ay ka dileen waxa uu ugu yeeray Gaalada Saliibiyiinta Afrikaanta sida uu hadalka u dhigay.

Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid bilow ah oo horu dhac u noqon doona dagaalo cusub sida uu yiri.

“Mujaahidiinta waxaa leeyahay fursad baa u heysataan inaad Janada gasho, nin walbow naftaada ka iibso Alle cadawga ha la dhabar jebiyo”ayuu yiri Abuu Muscab.

Kooxda Al-Shabaab waxay ku soo bandhigeen Suuqa Xoolaha oo ka mid ah meelaha ay sida weyn ugu xoogan yihiin meydadka ciidamo ka tirsan AMISOM oo ay ku dileen sida ay sheegteen dagaaladii shaley ka dhacay magaalada Muqdisho.

Meydadka ciidamada AMSIOM oo la jiidjiiday

Meydadkaasi oo tiradoodu dhameyd 8 askari waxaa ka muuqdey dhaawacyo rasaaseed oo cusub iyadoo dhiig badani uu ku daadsanaa jirkooda, halka qaarkood uu googo’anaa jirkooda rasaasta ku dhacdey awgeed.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isagu soo baxay wadooyinka xaafada Suuqa xoolaha halkaasi oo lagu jiid jiiday meydadka ciidamada AMISOM.

Goobaha la kala qabsadey

Ciidamada AMISOM & kuwa dawlada KMG waxaa dagaalkii shaley ay ka sameeyeen guulo ay ku qabsadeen goobo muhiim ah oo ka mid ahaa fariisimada ay ku suganaayeen Shabaabka, waxaana goobaha laga qabsadey Shabaabka ay ahaayeen kuwa istaraatiji ah marka laga hadlayo gacan ku haynta awooda Muqdisho, waxaa xaafadaha & goobaha Shabaabka laga qabsadey ay ahaayeen kuwa xudun u ahaa mudooyinkii ugu dambeeyey dagaalada Muqdisho oo waxay ahaayeen goobo ku dhaw xarunta madaxtooyada isla markaana caqabad weyn ku ahaa dawlada mudo laba sano ah sidii ay ula wareegi laheyd deegaanada ku dhaw madaxtooyada & goobaha dawlada.

Ciidamada AMISOM & kuwa dawlada KMG waxay qabsadeen Suuqa Xararyaale, Saraha Xamar Bille, Cali Kamiin, Isgoeyska Siinaay, Suuqa Bacaad, Suuqa Maanaboolyo, & qaybo ka mid ah xaafadsa Wardhiigley.
Inkastoo dad goobjoogayaal ah inoo xaqiijiyeen in goobaha laga qabsadey Al Shabaab, hadana saraakiisha Shabaabku waxay sheegteen inay wali ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

Xoogaga Shabaabka ayaa haatan waxay ku sugan yihiin oo ay difaac ugu jiraan Jidka Warshadaha, garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho, Xaruntii Xisbiga, xeryada Cuuryaaminta, Suuqa Juugal ilaa warshada Baastada, halkaasi oo la soo sheegayo inay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u baaxad weyn.

Taangi laga gubay ciidamada AMSIOM.

Mid ka mid ah dabaabaadka dagaalka ee ciidamada AMISOM ee ka qaybta ah dagaalka ayaa xoogaga Shabaabku waxay ku gubeen saaka waaberigii xaafada Xamar Bile, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qaabka loo gubey Taangigaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen qarax weyn ka dibna ay arkeen taagni ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo olalaya, laakiin warar laga helayo kooxda Al-Shabaab ayaa sheegaya in qoftiis hure ah uu dusha uga baxay taangigaasi ka dibna uu isqarxiyey.

Wariyeyaasha SBC ee Muqdisho