Dagaaladii ba’anaa ee maanta ka dhacay deegaano ka tirsan degmada  Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa la soo sheegayaa inay iskood u qaboobeen duhurnimadii maanta, waxaana soo baxaysa faahfaahin dheerad ah oo ku aadan khasaaraha uu geystey dagaalkaasi oo u dhaxeeyey ciidamada DFKMG ah iyo xoogaga Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo ku loolamya gacanta ku haynta deegaankaasi.Warar SBC ay ku heshay Isgaarsiinta ayaa xaqiijinaya in tirada dhimashada ay haatan marayso 7 qof halka dhaawacuna uu dhan yahay 15 qof kuwaasi oo dhamaantood ah dhinacyadii dagaalamayey. 

Dagaalka oo saaka ka qarxay duleedka degmada Ceelwaaq una jirta 35 Km ayaa warar iskhilaafsan ka soo baxayaan gacan ku haynat deegaanka lagu dagaalamay marka laga reebo sheegashada wararka labada dhinac ee ku aadan guulaha dagaalka ay ka sheeganayaan.Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka xaralada Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay iyagu qaadeen ayna ku qabsdeen sida uu sheegay saldhig ayu halkaasi ku lahaayeen ciidamada DFKMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu sheegtey inay dagaalkaasi ku dileen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada DFKMG ah, isla markaana ay ku qabsadeen gaadiid dagaal, inkastoo aanay jirin cid madaxbanaan oo xaqiijisay jiritaanka warkaasi.

Dhinaca kale Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay in dagaalkaasi ay ka gaareen sida uu sheegtey guulo la taaban karo ayna khasaare u geysteen xoogaga Al-Shabaab sida uu sheegay, mase jirto cid madaxbaanaan oo xaqiijin karta jiritaanka warkan uus heegay xildhibaankan ka tirsan Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya.

Dad ku sugan degmada Ceelwaaq oo codsadey inaan magacooda saxaafada laga sheegin sababo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay SBC in dagaaladii maanta lagu kala gubay gaadiid dagaal, isla markaana dhinacyadii dagaalamay ay is horfadhiyaan ayna dhici karto in dagaalo kale ay dhacaan.Dagaaladan ayaa qayb ka ah dagaalo ka aloosan Koonfurta Soomaaliya oo u dhaxeeya dawlada KMG ah iyo xoogaga xarakada Al-Shabaab,kuwaasi oo salka ku haya awooda maamul ee deegaanadaasi, waxaana la soo sheegayaa in saameynta ugu badan ee dagaaladu ay ku dhacayso dadka rayidka ah oo dagaaladu ku noqdeen utun joogto ah waagiibaryaba.

SBC News Desk