Baladweyne-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dagaalo xoogan oo duleedka magaalada Baladweyne ku dhexmareyey maleeshiyo taabacsan maamulka Dooxada Shabelle & xoogaga xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo ku loolamaya gacan ku haynta deegaankaasi.Tirada dhimashada & dhaawaca uu keenay dagaalkaasi ayaa sii kordhaysa waxaana warar SBC ay ka heshay dhinacyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ay xaqiijinayaan in dadka dagaalkaasi ku dhintey ay haatan tiradoodu dhan tahay 8 qof halka dhaawacuna uu ka badan yahay 10 qof, kuwaasi oo dhamaantood ah dhinacyadii dagaalku dhexmarayey.

Dagaalka ayaa shalay gabaldhicii wuxuu ka qarxay tuulooyinka Qooqani & Tuulo Bacaad oo ku yaal duleedka degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Nin u hadley maamulka dooxada Shabeelle oo lagu magacaabo  Max’ed Nuur Caga-joof isla markaana dhanka warfaafinta u qaabilsan maamulkaasi ayaa tibaaxay inay socdaan sida hadalka uu u dhigaey dagaalo la doonayo in gobolka looga saaro xoogaag Shabaabka, isagoo farta ku fiiqay inay marka hore doonayaan inay ka sifeeyaan degmada Baladweyne ka dibna gobolka intiisa kale ay ka sifeyn doonaan sida uu sheegay.Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarkada Al-Shabaab oo ku aadan dagaaladan waxaana la soo sheegayaa in dhaqhaqaayo ciidan oo aad u xoogan in laga dareemayo degmada Baladweyne ee guud ahaan gobolka Hiiraan.

SBC News Desk